Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mid ka mid ah Raggii Fuliyay weerarkii Garoonka Diyaaradaha Zaventem oo La Aqoonsaday

$
0
0

Brussels-(Puntland post) Saraakiisha Booliska wadamada ‎Belgium-ka  iyo Frances-ka ayaa si cad u sheegay in la aqoonsaday mid ka mid ah ragii weerarka ka fuliyay Garoonka Diyaaradaha ee Brussels Zaventem.

Saraakiisha waddamada ‎Belgium-ka iyo Frances-ka waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah raggii fuliyay qaraxyadii garoonka diyaaradaha ee Brussels uu ku lug lahaa weerarkii frances-ka ee Paris ka dhacay Novermber sanadkii hore,

Ninkaan ayaa la sheegay inuu gacantiisa ku sameeyay Bambooyinkii Qaraxyada loo adeegsaday ee lagu fuliyay weerarkii ka dhacay Paris sanadkii aan soo dhaafnay.

Saraakiil aan magacooda shaacin ayaa waxa ay sheegeen in hidde-sidaha DNA-ga loo yaqaan ee laga qaaday Najim Laachraoui (Laqruui), sidoo kale laga helay jaakad loo adeegsaday weerarkii Paris.

 

The post Mid ka mid ah Raggii Fuliyay weerarkii Garoonka Diyaaradaha Zaventem oo La Aqoonsaday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>