Baledweyne(Puntland Post): Shir uga socday Baledweyne Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid aya ku soo dhamaday fashil, waxayna odayaashu ku adkeysteen go’aanadoodii hore ee ahaa in aysan ku laabanaynin shirka magaalada Jowhar ee maamul u sameynta, waxayna ku gacan seyreen baaqa Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid ee ahaa in ay aqbalaan shirkaasi.
Waxay Odayaasha sheegeen in saamigii uu mudnaa gobolka Hiiraan uusan helin, islamarkaasina dawladda ay ka dalbeen in gobolka loo kala qeybiyo labo gobol, ama la kordhiyo saamigiisa.
Beelaha Hiiraan intooda badan ayaa isaga baxay shirka Jowhar, sheegeyna in aysan dib ugu laaban doonin, iyaga oo dalbaday in shirka laga soo wareejiyo halkaasi, laguna qabto Baladweyne.
Dowladda Federaalka ayaa dhibaato xoogani ka haysataa maamul u samaynta gobolada iyadoo dadku shaki badan ka qabaan in dowladu ay doonayso in ay xulufo siyaasadeed ka soo saarto goboladda ay maamulka u dhisayso.
PUNTLAND POST
The post Shirkii u socday Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid oo fashil ku soo dhamaday appeared first on Puntland Post.