Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maraykanka oo sheegtay in ay dileen wasiirkii maaliyadda ee Daacish

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay in ay dileen hogaamiyayaal Daacish ah, ragaas oo uu ku jiro wasiirkii maaliyadda ee Daacish Abdiraxmaan Mustafa Al-Qaduli.

Madaxdaas ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday wadanka Siiriya isbuucaan, sidaas waxaa sheegay Xoghaya difaaca Maraykanka Ash Carter.

Mr Ash ayaa shir jaraa’id oo uu jimcihii ku qabtay Washington ku sheegay in ciidamadu ay duqayn ku dileen rag ay ka mid ahaayeen Abdiraxmaan Mustafa Al-Qaduli oo sidoo kale loogu yeeri jiray Haji Iman.

Haji Iman ayaa horay dowladda Maraykanku madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 7 milyan oo doolar.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegtay in ay dileen wasiirkii maaliyadda ee Daacish appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>