Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Axmed Madoobe oo sheegay in ka badan 165 caruur ah Al-Shabaab inay ka kaxeysteen Jubbooyinka

$
0
0

Kismaayo- (Puntland Post) Madaxweynaha Maamulka Gobeleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyay Al -Shabaab inay caruur yar yar ka kaxeysteen deegaano ka tirsan Jubbooyinka.

Caruurta ayuu sheegay Al-Shabaab inay xareeyeen oo tababar ay siinayaan, kadibna ay doonayaan inay dagaal geliyaan, xilli Dhalinyaradii lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolada Puntland ee Nugaal iyo Mudug, ay ku jireen  dhalinyaro yar yar.

Axmed Madoobe wuxuu tilmaamay in ka badan 165 caruur ah in Jubbooyinka si qasab ah Shabaab ay uga kaxeysteen, islamarkaana taasi ay muujinayso sida ay u haligayaan caruurta.

“Deegaankaan maanta aan joogno Tuulooyin badan hadda waxaa aruursan 165 Caruur ah oo kan ugu weyn uu yahay 14 jir oo hada tababar la siinaayo war umadaan da’yartii ugu yareyd ayaa halkaan mareyso oo la xasuuqayo oo la leeyahay kaalaya Shahaado ayaad qaadanaysaan, ma garanayaan Shahiidka waxa uu yahay”.  Ayuu yiri  madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xili Puntland ay maxaabiis badan oo Al-shabaaba oo caruur da’yar ay ku jiraan  ay ku soo qabatay dagaaladii ay la gashay maleeshiyada Al-shabaab qaarkodna ka yimaadeen Jubooyinka.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo sheegay in ka badan 165 caruur ah Al-Shabaab inay ka kaxeysteen Jubbooyinka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>