Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda federaalka ee Soomaali oo gudiga abaaraha ugu deeqday Hal Milyan oo Doolar

$
0
0

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Guddiga Qaran ee Gudmadka Abaaraha ayaa looga hadlay Abaaraha ba’an ee ka jira dalka, iyadoo shirkan ay ka qeyb galeen Ururada Bulshada rayidka, Culumaa’udiinka iyo dhalinyarada.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibrahim Farkeeti oo xubin ka ah guddiga ayaa intii shirku socday wuxuu balan qaaday in dowladu bixinayso lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo doolar) si wax looga qabto Abaaraha ka jira dalka.

Gudigaan oo shaqadoodu tahay wax ka qabashada abaaraha ayaa waxaa looga dhawaaqay khamiistii la soo dhaafay shirkii golaha Wasiiradda, waxaana hogaaminaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Gudigan ayaa u xilsaaran isku xirka Dowladda dhexe, Dowlad Goboleedyada, Beesha caalamka, Wacyi galinta Shirkadaha gaarka loo leeyhay, Ganacsatada, iyo Hay’adaha Maxaliga ah iney gacan buuxda ka gaystaan ka qayb qaadashada Abaaraha saameeyey gobolo ka tirsan dalka.

The post Dowladda federaalka ee Soomaali oo gudiga abaaraha ugu deeqday Hal Milyan oo Doolar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>