Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maqaal: Taariikhda Nidaamka Federaalka iyo Somalidii horre dib u akhriso.

$
0
0

Soomaalidu waa umad taariikh dheer leh bay ahayd, balse musiibooyinka umada Soomaaliyeed ku dhacay ayaa waxaa ka mid ahayd, iyadoo Gumaystihii intuu dalkoodu yimid islamarkaasna gumaystay, ayuu ka aasay wax allaale waxii ay taariikh hore ay umadaas ay lahayd, Islamarkaasna u muujiyay in ay ahaayeen dad cawaan ahaa ee gayigaaas isaga noolaa , horumar iyo nolol uu isagu ula yimid.

Intaanan dulucdeyda maqaalkaygaan gelin, ayaan waxaan idin cabiri rabaa wax yaabaha igu kalifay inaan xiligaan ka hadlo nidaamka Federalka oo ah nidam ay qaateen umada Soomaaliyeed , habeen dhawayd waxaan dawaaday Barnaamij uu baahinayey mid ka mid ah TV- yada Somalida  oo loogu magac dartay Soomaalidu Federal ma u danbaa?

Dad weynihii halkaasi aragtidooda ka dhiibanayay ayaa ahaaa kuwa ku kala aragti duwanaa fikirka Federalisimka ah , Qolo waa ay tageertay , Qolo waa ay diiday , Qolo waxay ku tilmaantay inaysan Diintu aysan qabin balse uu yahay Fikir laga soo minguurshay dhul gaalo ah.

Waxaan jeclaystay intaanan sii guda gelin qolyaha isku maandhaafsan aragtida ah Federal dalka Soomaaliya xiligaan waa uu ku haboon yahay iyo kuma haboona, waxaan jeclaystay inaan ku hormaro Qolyaha yiri diintu ma ogolo waa Fikir dhul gaalo laga soo minguurshay.

Anigu waxaan qabaa Eray ahaan bay Soomaalidu ka didsantahay ee diiniyan waa la ogol yahay Islaamkuu waxuu soo maray maamulo la dhaho إمارة hoostagayo saldano weyn Afka qalaadna lagu dhaho Empire , Eregyga Impire maxaa lagu micneeya luqada Englishka (a number of countries ruled by one person or government) Tusaale ahaan (the Ottoman Empire) Boqortooyadii Cismaaniya ee Turkiga ka talin jirtay .

Boqortooyadana waxay sii xukunta Emirate , Emirate waa maxay (a country ruled by an emir) Dal u madax u yahay Emiir, Amiirku waxuu noqon State President oo ay dadkiisa soo doortaan Empirena waxuu haatan u dhigmaa The president of United States , oo ah madaxweynaha dowladaha midoobay

Hadaba anagu Soomaali ahaan halkee ka soo galnaa Empire iyo Amiir, Dadka Soomaalidu muda 700 sano laga jooga Soomaalidu waxay ahayd 7 Emirate oo hoos tagaysa Boqortooyada Awdal .

Dawaaro Emirate

Sharkha Emirate

Ifaat Emirate

Daara Emirate

Baali Emirate

Hadaya Emirate

Araabinii Emirate oo harar ahayd

Xiligaas oo aan oran karo Soomaalidu awood jirtay oo caalmka laga aqoonsan yahay bay ahayd waxayna burburisay dowladii xabashi oo ay ka soo reebtay laba gobal Abbyssinia iyo Eriteria .

Qarnigii 13naad iyo Qarnigii 14naad halka xadaarada iyo horumarka Soomaalidu joogtay iyo sida ay dunida ugu talin jireen siiba geeska Afrika iyo Ethiopia ,markaan akhriyo taariikha ku saabsan Adal Impire, iyo buugga Unraveling Somalia, qortay Professor Chatherine Besteman iyo socdaaladii uu Soomaliya ku yimid Ibnu Batutta Zenhe(Chinese), Al-Idiris 1230 iyo manta Soomaalidu sida aanay tariikhdooda wax fiican aysan uga aqoonin, waxaa igasho qiiro , oo waxaan dareema inaynu ahayn dad soo talin jiray oo xadaarad lahaa laakin cadow u gacan galay .

Dowladaha dariska waxay inala jecel yihiin inaynu Federal qaadano , Laakin anigu ahaan waxaanba u arka ku haggis dhanka eebe inooga timid oo inoo dan ah , maadama umada Soomaaliyeed maamulkii 53 sano ka hor, umada Soomaaliyeed ee qaadatay oo ahaa Dowlad dhexe, taaso awoodo dalka hal meel laga hago aynu qaadi weynay, hadaynu Soomaali nahay , isla-markaasna ay dhashay inaynu ka dhaxelno burbur iyo dagaal sokeeyo oo ina sii kala fogeeyay.

Diiniyan’’ horumar ahaan iyo midnimo ahaan waa ay u fiicantahay umada Soomaaliyeed, waxaana laga nabad galayaa hogaamiyaasha madax adag dalka Soomaaliya inay dib ugu soo laabtaan , laakinse badalkeeda waxaa imanayaa dowlad dhexe oo dadkeeda la tashato.

Dhibaatooyinkii Dowladii dhexe

Dalka Soomaaliya hal meel baa laga xukumayay ,hal hogaan baa talada dalka gacanta ku hayay , isaga ayay ka go’day sida masiirka umada laga yeelayo, cidii ka hortimaadana dil ama xabsi buu mutaysan jiray, Alle ha naxariistee Faarax Galooley waxaa laga hayaa” afkaaga hayso ama Afweyne raac ama Afgooye aad”. Qofkii hadal dawladda ka soo horjeeda yiraahda xabsiga ayaa hoy u noqday ama dil!

Ciidamadii dagaalkii Ethiopia ka qayb galay baa la iska laayay, magaalooyinkaa diyaarado lagu garaacay, baraagado baa la sumeeyay , imbadana tuhun bay waqti dheer u xirnaayeen ilaa kii la xiray uu garan waayo waxaa loo heestay .

Dhaqaalihii dalka , oo hal meel ku shubantay , gobaladii dalka qaarkood loo baxshay gaari waa, kuwii la gaarayna ananba waxba loo qaban ,Hooyadii inay dhasho rabto ay noqotay inay Xamar timaado , reerkii caruur badan u joogeen oo raba inay waxbartaan ay noqotay inay Xamar yimaadaan , ninkii rabo Passpor waxay noqotay inuu Xamar u yimaado , dalkoo idil baa noqday madax ka nool .

Umada Soomaaliyeed ma u danbaa Federaal?

Inagoo intaa ka yar baynu ahayn 7 Emirate oo aynu ku dhaqmaynay Shareecada Islaamka oo hoos tagaysay Saldanadii Cadal, Adal ama awdal ninba si u yaqaan, maantoo oo aynu ka fara badan nahay oo aynu Kutub isku xukumaynin miyaanu dowlad dhexe isku hayn karnaa.

Dowlada Islaamka ee qaatay waxaa ka mid ah Pakistan i, Malaysia United Arab emirates oo ka kooban 7 Emirate , ma burbur bay ka qaadeen waa dalal qeybtood badan isku af ah,isku dhaqan ah, isku diin ah , laakinse ku heshiin waayay inay dowlad dhexe u taliso, waxay ahayeen maamulo yaryar oo ay u taliyaan hogaamiye qabiilkooda.

Dowladaha aan soo tilmaamey ma la oran karaa waa ay ku burbureen nidaamkaas federal ee ay qaateen? taas aynu is weydiino, haday ku burbureen aynu ka leexano hadayse ku baraareen aynu qaadano, Soomaali uma baahnno siyaasi rabo inuu umada iska heesto, yuusan ina hodmin mar dambe talo kusoo goynayaa .

Dalalka qaatay Federal System of Government

Argentina, Australia,Austria, Bosnia and Herzegovina, Belgium,Brazil,Comoros Canada, Ethiopia ,Germany, India, Iraq, Federated States of Micronesia, Nepal Nigeria, Malaysia,Pakistan,Russian Federation,Somalia,South Africa,South Sudan
Sudan,Saint Kitts and Nevis,Switzerland,United Arab Emirates,United States of America Venezuela.

FG: Maqaalkan waxaa na soo gaarsiiyey qoraaga hoos magaciisu ku xusan yahay, isaga ayaana ka masuul ah wixii aragti oo ku saabsan.

Abdifatah Hamud Mohamed
Örebro Sweden
Xaamid4@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>