Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaarada Maaliyadda Dowladda oo Ka Tacsiyadeeyay Xisaabiyihii Gobolka Mudug ee ku Geeriyooday Qaraxii Galkacayo

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ka tacsiyeeyey falkii foosha xumaa ee argagixisnimo ee la beegsaday Allaha ha u naxariiste Xisaabiyihii  gobolka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Siciid Cali Yuusuf (Gaad-yare) iyo muwaadintii kale ee soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa cambaareeyay falkaas foosha xun oo qof isa soo miidaaamiyay  u  isku qarxiyay Marxuum Siciid Cali Yuusuf  , Eng Xasan Ruusha iyo muwaadiniin kale oo fadhiyay hotelka Uunlaaye ee Magaaladda Galkacayo.

“””Alla ha u naxariistee Marxuum Siciid Cali Yuusuf wuxuu ahaa hoggaamiye isku kalsoon,khabiir  ahaa, howlkar ahaa, daacad ahaa, Nabada iyo xasiloonida gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland ka shaqaynayay 18-sanno ee u dambeeyay””ayuu yiri

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa tacsi u diray Marxuum Gaadayare ,isagoona sheegay in uu ahaa shaqsi qiima weyn ugu fadhiyey Ummada Soomaaliyeed.

Waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa Shahiid ,isagoona Alle uga baryey Janatul fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii,ehelkii iyo asxaabtii u ka geeriyooday.

Marxuum Siciid Cali Yuusuf oo loo yaqaanay Gaada-yare ayaa tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland wuxuuu ka mid ahaa Saraakiisha lafdhabarta u ah Wasaaradda Maaliyadda dowladda, gaar ahaan gobolka Mudug.

Waxaana uu ahaa aqoonyahan ku takhakhusay Maamulka iyo Maaraynta , isagoo ka qalinjabiyay Machadkii caanka ahaa ee cilmiga dhaqaalaha iyo Maamulka ee SIDAM oo ku yaalay magaalada Muqdisho burburkii ka hor.

Wasiirka Maaliyada, Agaasimayaasha, Xisaabiyayaasha iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa  Marxuun  Gaada-yare iyo dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxii Galkacayo waxay illaahay uga
beryeen in uu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaana uu ka siiyo Qoysaskii, Eheladii iyo guud ahaan shacabweynaha reer Puntland ee ay ka baxeen, intii ku dhaawacantayna in Ilaaheey  bogsiiyo.

PUNTLANDPOST

The post Wasaarada Maaliyadda Dowladda oo Ka Tacsiyadeeyay Xisaabiyihii Gobolka Mudug ee ku Geeriyooday Qaraxii Galkacayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>