Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntalnd oo qabtay dood cilmiyeed

$
0
0

Hay’adda Astaynta Maamul wanaaga iyo la dagaalan musuqmaasuqa dowlada puntland ayaa xafiiskeeda magaalada Garowe ku qabatay barnaamij dood cilmiyeed iyo aqoon iseydaarsiga  isugu jira  oo  Lagu xoojinayo qorshaha dowladda   ee ISKU TASHIGA  dadka reer Puntland   , barnaamijkaas oo ahaa mid lagu falan qaynayey muhiimadda ay leedahay in ay ummadi isku tashato si ay u gaarto himiladeeda dhow iyo midda durugsan  kaas oo nagu xiraya  horumar dhab ah oo  waara.

barmaanijkaas dood cilmiyeedka iyo wacyi galinta isigu jira ,  qaybna ka ah barnaamijyo joogta ah oo xafiiskani u qabto aqoon yahanada iyo indheer garadka reer Puntland , ayaa furitaankii  waxaa ka hadlay,  Agaasimaha  Guud ee xafiiska Astaynta Maamulwanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa  dowladda Puntland , Cabdiraxmaan Cali Guureeye, isagoo si kooban uga hadlay muhiimadda ay dood cilmiyeedkan oo kale uu u leeyahay dadka reer puntland, mar walbana loo baahan yahay in laysu iftiimiyo waddooyinka kala duwan ee horumar dhab ah lagu gaari karo, muhiimna ay tahay in loo wada  istaago sidii la isigu tashan lahaa  looga kaaftoomi lahaa gacan shisheeye, Agaasimuhu wuxuu tusaale u soo qaatay in dalalka horumarayi ay sidan ay yihiin si fudud isaga iman, balse ay ku yimaadeen dadaal dheer oo ay u galeen in ay dadkooda horumariyaan, iyagoo baahidooda kala hor marsanaya wax ka qabadkooda, waxaan u baahan nahay in aan isku fillansho gaarno, waxaan u baahan nahay in aan khayraadka dalkeenna ka faaiidaysanno,  waxaynu u baahan nahay in aynu ilaashanno puntland, kana wada shaqayno horumarkeeda  taasina waxay ku iman kartaa inagoo isku tashanna oo aynaan cid kale ku hallayn,  mar hore ayaan dhinacyo badan  dareennay faa iidada isku tashiga.

sidoo kale waxaa kalimadiisa qaatay  Dr shiikh Maxamuud Xaaji Yusuf madaxa jaamacadda barariga Afrika  faraca Garoowe, shiikha oo si qoto dheer ugu nuuxnuuxsaday doorka diinteenna sharafta badan  uga hadashay in wax la qabsado oo fadhiga laga koco,  ummadduna ay isku tashi iyo iskaashi ku gaari karto badan, waxaan u baahan nahay in aan cidkale ka maarano,  gacan kalena ka xorowno.  horumar dhab ah iyo  isku fillasho waxaa lagu gaari karaa ummadda kaalmaysa wanaagga , kana hor tagta wax walba oo dib u dhac u keeni karaya ummaadda.

Dr Cabdiraxmaan  Axmed nuur “sulub” ayaa sidoo kale ku dheeraaday in aysan  Roma hal maalin ku dhismin, balse loo baahan yahay in aan dadaal dheeri ah u galno horumarka Puntland,  tallaabadii aan ku horumari lahayn dalkeenna   aan maanta ku dhaqaaqno  loo baahan yahay  qorshe cad oo waqtiyeysan in aan la nimaanno.

Cabdisamad cali xaashi oo ka mid ahaa aqoonyahanadii halkaas ka hadlay ayaa iftiimiyey in loo baahan yahay in dadku ka xoroobaan  dhanka maskaxda, lagana gudbo  cabashada iyo eedaynaha dalalka shisheeyo iyo cidkale ee masuuiyad dheeri ah la iska saaro horumarka iyo dib u dhiska dalka lana dareemo in aan wax weyn qabsan karo, waayo maanta waxaan haysananaa intii ummadi ku horumari lahayd, shakina kuma jiro haddaan isticmaallo karaankeenna iyo caqligeenna , oo aan ficilkiina  raacino in aan gaari karayno horumar dhab ah oo la taaban karo waqti dhow.

sidoo kale waxaa halkaas  ka hadlay  Eng Maxamed A. Xasan “Shoortaayo”  oo yiri dad dhiska ayaa ka horreeya dal dhiska,  dad dhiskuna waa qayb muhiimad gaara inoo leh qorshaheenna isku tashiga loona baahan yahay in dad dhisan la soo saaro, hankooda iyo aragtidoona la durkiyo si loola saan qaado dad yowga horu socodka ah. wuxuuna xoojiyey in dadka wax la baro.

Gudoomiyihii hore ee gobolka mudug, M. J Tigey iyo wasiir hore Abdikariin Axmed Guuleed ayaa dhankooda tilmaamay in loo baahan yahay in la gaaray waqtigii reer puntland ay isku tashi dhab ah la imaan lahayeen,  ayna muhiim tahay in aan shacabku doorka kaga aadan ay qaataan, iyagoo si gaara u xusay guulihii laga gaaray barnaamijyadii  horay isku tashagi iyo isku duubnida bulshad lagu hir galiyey.

ummad meel u wada jeedda ayaa  wax weyn qabsan karta. waxaana loo baahan yahay in loo jeesto sidii isku fillansho rasmi ah  iyo baahi bax dhinacyo badan ah lagu gaari lahaa,  wax muuqda aan ka qabsanno dhulkeenna hodonka ah.

Xassan Ciise , Sahro Xubeero iyo Towfiiq bashiir oo qaabab kala duwan u tibaaxay doorka isku tashiga kaga aadan qurba joogta iyo dhallin yarada reer puntland ayaa xusay.

qofku waddaniga ahi isaga oo qurbaha jooga ayuu waddani  dal iyo dad jecel noqon karaa, garowshiiyona loo heli mayo dalka ayaan dibadda uga maqanahay, qurba joogta doorkooda Puntland nimo in ay qaataan ayaa loo baahan yahay; hadday ahaan lahayd ka qayb qaadashada difaaca dalka, horumrinta iskaa wax u qabso iyo barnaamijyada kale ee dal dhiska iyo dad dhiska.

dhanka kale dhallin yaradu waa hogaamiyayaashii mustaqbalka waxaana loo baahan yahay in la dhiira galiyo iyaguna ay doorkooda qaataan.

waxaa loo baahan yahay in dhallin yaradu ka qayb qaataan sugudda aminiga, kobcinta dhaqaalahaiyo in laga fogaado tahriibka iyo wuxuu dadka iyo dalka dib u dhac u keeni karaya.

shaqadu waa sharaf,  dhallin yaradu waa in ay dalka ka shaqaystaan si dhaqaaluhu dalka u kobco.

sidoo kale waxaa  talooyin soo jeediyey ka qayb qaatayaal xiisaynayey in dood yadani ay qayb ka yihiin Maamul wanaagga iyo dad dhiska.

ugu danbayntii   Agaasimaha guud Astaynta Maamul wanaagga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa    ayaa  xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dadku ay talooyinkooda, aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay la wadaagaan ummaadda inteeda kale , lana joogo waqtigii  aqoonta dalka dib loogu soo celin lahaa,  dadlka iyo dadkana dhaxal wanaagsan looga tagi lahaa.

” Puntlandteenna cusubi waxay ku xirnaan doontaa sida aan hadda wax ugu qabanno” ayuu Guureeye hadalkiisa ku soo gaba gaeeyey.

wixii talo iyo tusaalayn ah iyo ka qayb qaadasho barnaamijkan oo kale,  fadlan la xiriir

Puntlandggb1@gmail.com.

HOOS SAWIRADA KA DAAWO.

N3
N12
N8
N5
N10
N9

The post Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntalnd oo qabtay dood cilmiyeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>