Real Madrid ayaa guul soo laabsho ah ku soo gaadhay Camp Nou kadib markii 2-1 ay kaga takhalustay kooxda Barcelona, Guusha Real Madrid waxaa u sahlay Benzema iyo Cristiano Ronaldo, halka goolka qura uu Barcelona u dhaliyay difaacooda Pique.
Barcelona iyoReal Madrid ciyaarayeen kulankoodii 231 aad ee Clasico-da
Daqiidadii 56 aad ayaa Barcelona goolkii kowaad waxaa u daah furay Pique oo aad u qurux badan oo madax ah ku dhaliyay kubbad uu Ivan Rakitić ka soo tuuray koore, laakiin qaladka ugu wayn waxaa sameeyay Pepe oo ilaashanayay Pique , waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay.
Lakii Daqiiqadii 62 aad hogaanka Barcelona waa markiiba soo gaba gabeeyay Karim Benzema kaas oo indhaha ku xaday gool layaableh oo uu ku dhaliyay qaab laba lugoodlay ah, wuxuuna kooxdiisa Madrid ka dulqaaday culayskii ka soo gaadhay goolka looga hormaray, wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 1:1 ah. Ciyaarta ayaana markale dib u furantay.
Daqiiqadii 85 aad ayaa Cristiano Ronaldo dos Santos dhaliyay goolka labaad ee Real Madrid guusha dahabiga ah u horseeday isaga oo waliba si degan oo qurux badan ku dhamaystiray kubbad uu soo karoosay Gareth Bale, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Madrid dhanaca kale ugu dhitay natiijada ciyaarta.
Barcelona ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta ku dadaalaysay in ay la timaado goolka barbaraha laakiin kooxda Enrique ayaa ku fashilantay in ay wax gool ah oo danbe ay la timaado, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Madrid ku soo garaacday kooxda ay colaada wayni kala dhaxayso.
PUNTLAND POST
The post EL Clasico-Real Madrid Oo Camp Nou Ku Soo Garaacday Barcelona appeared first on Puntland Post.