Muqdisho-(Puntland Post) Wararka ka naga soo gaaraya Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in rag hubaysan goor dhaweyd Degmadaasi ay ku weerareen gaari uu la socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya oo lagu magacaabo Maxamed Cali Diheeye.
Gaari uu la socday Xildhibaanku ayaa lagu weeraray meel ku dhaw Bacaadlaha Degmada Xamar weyne, waxaana la sheegayaa in dhaawac uu soo gaaray Xildhibaanka.
Labo ka mid ah Ilaalada Xildhibaanka ayaa weerarkaasi ku dhintay, kadib markii rag hubaysan oo gaari watay ku horgooyeen gaariga Xildhibaanka oo ay rasaas xoogan ku fureen.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay raggii hubaysnaa ee Xildhibaanka weeraray inay ka baxsadeen goobta, iyadoo dhaawaca Xildhibaanka halkaasi laga qaaday.
Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahan wuxuu noqday mid sii xumaanaya, waxaana sii kordhaya falalka dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhacaya.
wixii warara ee ku soo kordha weerarkaas waxaad kala soconkartaa, www.Puntland Post.com
PUNTLAND POST
The post Xildhibaan Dowlada Federalka Somalia katirsan oo Muqdisho Lagu Dhaawacay appeared first on Puntland Post.