Garowe(Puntland Post) Guddiga gurmadka abaaraha dowladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabtay kulan ay kusoo bandhigayeen wajigii koowaad ee xaaladaha abaaraha iyo biyo dhaamiskii laga sameeyay gobolada Puntland.
Kulankaan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda cadaalada ayay guddigu kusoo bandhigeen barnaamij muuqaal oo lagasoo diyaariyay deegaanadii biyo dhaamiska laga sameeyay ee ku kala yaala gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Sheikh fu’aad Xaaji Nuur oo ah gudoomiyaha gurmadka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay culimadu inay wajigii koowaad ee biyo dhaamiska ku bixiyeen lacag ku dhow $14.000 dollar, taasoo lagu iibiyay booyado biyo ah oo la gaarsiiyay deegaano badan oo miyi ah, kuwaas oo ay ka jirtay marxalad adag oo biyo la’aan ah.
Gudoomiyuhu waxaa kale uu sheegay inay Accounada gurmadka haatan ku jiraan lacag ku dhow $27.000, taasoo lagu fulindoono wajiga labaad ee gurmadka biyo dhaamiska. Wuxuu sidoo kale sheegay inay galabta magaalada Bosaso kula wareegidoonaan lacag dhan $3.000 dollar oo ay soo direen jaaliyadda reer Puntland ee waqooyiga Denmark.
Agaasimaha wasaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa dadka reer Puntland ee wax haysta ugu baaqay inay ka qeyb qaataan gurmadka walaalahooda dhibaataysan, wuxuuna sheegay in la joogo waqti la isku baahan yahay.
Maareeyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka iyo arrimaha bini’aadinimada Puntland Cabdulaahi Axmed Ceyrow oo kulanka soo gabagabeeyay ayaa sheegay Puntland inay ku sugan tahay xaalad abaareed oo sare, wuxuuna sheegay in looga bixi karo kaliya iyadoo la helo raxmadii Aabbe ee roobka.
Maareeyaha ayaa kadib baaq qeylo dhaan ah udiray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta kale ee aduunka inay ka qeyb qaataan howlaha samatabixinta abaaraha ka jira Puntland.
The post Shacabka Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka qoysaska abaaruhu haystaan appeared first on Puntland Post.