Garacad-(Puntland Post) Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya in ilaa saaka halkaais lagu arkay Maraakiib dagaal oo ay ka dul kacayaan Diyaarado Helicopter ah, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen dadka deegaanka Garacad.
Maraakiibtaan oo ah kuwa waaweyn ee dagaalka ayaa la sheegayaa inay leeyihiin ciidamada Badda NATO, oo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Xeebta Garacad.
Maalmahan dambe waxaa soo baxay warar sheegaya in Maleeshiyada Al- Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku jireen diyaar garoow dagaal, isla markaasna ay cududooda ciidan oo dhan iskugu keenen deegaanada Xeebaha Xara dheero iyo Hobyo, iyadoo la aqoon ilaa hadda ujeedadoodu.
Deegaanka Garacad waa meeshii ugu horeysay Shabaab ay ka dageen14 March deegaanada Puntland.
Maamulka Deegaanka Garacad ilaa hada kama aysan hadlin Maraakiibtaan iyo diyaaradaha ka dul kacaya ee ilaa saaka lagu arkay Deegaanka Garacad ee Puntland.
PUNTLAND POST
The post Maraakiib Dagaal iyo Diyaarado Maanta lagu arkay Xeebaha Garacad appeared first on Puntland Post.