Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kulan Bulshadeed Looga hadlayay Kor-u-Qaadida Ganacsiga iyo Ganacsatada oo Bosaso Lagu Qabtay

$
0
0

Hay’adda cilmi barista ee OCVP iyo rugta ganacsiga Puntland ayaa magaaladda bosaso ku qabtay kulan ballaaran oo la isku waydaarsanayay aqoon iyo warbixino ku saabsan kor qaadida Ganacsiga iyo ganacsatada Puntland.

Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee Hotel Gacaynta waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiinta wasaaradda ganacsiga oo uu hoggaaminayay wasiir xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Puntland Mudane Cabdirazaaq Nuur Cumar, Masuuliyiinta rugta ganacsiga, xildhibaano ka socday dowladda hoose bosaso, ganacsatada kala duwan ee magaalada Boosaaso iyo aqoonyahanka xarumaha cilmi sida jaamacadaha iyo macaahidda.

Madaxa Hay’adda OCVP Puntland Ismaaciil Cabdullaahi Cilmi ayaa ka war bixiyay mashruuc ay muddo ka wadeen magaalada Boosaaso oo kor laagu qaadayay tayada iyo xirfadaha ganacsatada yaryar ee Boosaaso iyadoo ganacsatadaas la siiyay tababarro iyo dhqaale lagu taageerayay.

Qodobbada shirkaan lagaga doodayay waxaa ka mid ahaa:

  1. Hab raaca diiwaan gelinta ganacsiyada iyo sharciyada ganacsi ee Puntland ka jira,
  2. Iskaashiga ganacsatada dhexdooda ah
  3. Xoojinta tayada ganacsiga iyo ganacsadaha
  4. Kaalinta xarumaha wax barashadu ku leeyihiin kobcinta tayada ganacsiga
  5. Xallinta khilaafaatka ganacsi haddii ay dhacaan iyo qaababka loo maro.
  6. Xiriirka wasaaradda ganacsigu la leedahay Xarumaha iyo shirkadaha ganacsiga iy weliba rugta ganacsiga.
  7. Talo soo jeedin ku saabsanayd kobcinta ganacsi

Kulankaan oo u badnaa waydiimo iyo jawaaabo ayaa in badan waxaa la waydiiyay masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga, dowladda hoose, rugta ganacsiga iyo ganacsatada waaweyn su’aalo asaasi u ah tayaynta ganacsiga iyo ganacsatada Puntland.

Gabagabadii, ayaa waxaa la isku af gartay in la xoojiyo xiriirka laamaha dowladda iyo kuwa gaarka ah si iskaashiga ganacsigu u kobco isla markaasna bulshadu u ogaato sharciyada iyo xeerarka ganacsi ee dowladda Puntland ku dhaqanto.

Gees kale, kullanka waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka xigeenka wasaaradda Gacansiga iyo warshadaha Puntland Cabdirazaaq Nuur Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsia Maxamed cabdi Waaberi, Agaasimaha waaxda maaliyadda Dowladda Hoose ee Boosaaso Zahra Mahad Bulxan iyo qaar ka mid ahaa ganacsatadii waaweynayd ee ka qaybgashay kullanka, waxayna dhammaantood tilmaameen muhiimadda weyn ee ay leedahay xoojinta iyo kobcinta iyo iskaashiga ganacsiga iyo ganacsatadda puntland, iyagoo u mahadceliyay hay’adda cilmi barista ee OCVP iyo rugta ganacsiga Puntland.

IMG_0344

IMG_0176 IMG_0209 IMG_0211 IMG_0214 IMG_0222 IMG_0264 IMG_0270

IMG_0357  IMG_0529 IMG_0547 IMG_0555 IMG_0596 IMG_0657  IMG_0730   IMG_0806

PUNTLAND POST

The post Kulan Bulshadeed Looga hadlayay Kor-u-Qaadida Ganacsiga iyo Ganacsatada oo Bosaso Lagu Qabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles