Suldaan Axmad rashiid Shiikh Shuceyb ayaa kahadlay Warar siweyn loo hadal haayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay kaasi oo ku aadanaa in suldaanka uu ku qancay qaabka ay wax uwado Wasaarada Arimaha Gudaha DFS islamarkaasina uu sheegay inuu diyaar uyahay kaqeybgalka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Wararkaasi ayuu kusheegay suldaanka kuturikuteen ama waxkama jiraan wexey daabaceen qaar kamid ah saxaafada gobolka shabeelaha dhexe iyaga oo kusheegay inuu suldaanka ku qancay qaabka wax loo wado
Suldaanka waxa uu kamid yahay Duubabka sida weyn uga horyimid Go’aankii ay gaartay wasaarada Arimaha Gudaha DFS eek u aadanaa hanaanka wax qeybsi ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe
Suldaaka waxa uu sheegay inuu taagan yahay mowqif ahaan meeshii uutaagnaa waxaana uu sidoo kale sheegay inuusan kabixin balantii uu galay
Wasaarada arimaha Gudaha DFS ayaa dadaalo ugu jirta iney ku qanciso duubabka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iney kaqeybgalaan Shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa ay Fidsantahay Jowhar
Halkan kadhageyso Codka Suldaan Axmad rashiid Shiikh Shuceyb
The post Suldaan Axmad Rashiid Shiikh Shuceyb oo Kajawaab Celiyay Warar Saxaafada Qaar ay Baahisay {Dhageyso } appeared first on Puntland Post.