Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Shabeelaha Dhexe oo Bogaadiyay 12 April

$
0
0

12 April waxa ay ku beegantahay Maalinta ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaana Siweyn looga Xusay Xuska Maalinta 12 April Qaar kamid ah Magaalooyiinka Waaweyn ee Dalka

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ahaa 25 sano kahor kuwa laga heybeysto oo siweyn ay uga Cabsadaan dalalka Cadowga U ah Soomaaliya waxaana Maalintan oo kale ay soo bandhigi jireen Dhoolatus ay kumuujinayaan Quwada Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya

hadaba qiimaha gaarka ah oo ay maalintan u leedahay Umada Soomaaliyeed awgeed waxaa shir jaraa id ku qabtay Xabsiga Dhexe ee Degmada Jowar Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka shabeelaha dhexe Khaliif Cabdule Carfaaye
Waxaana uu kahadlay Ahmaiyada gaarka ah oo ay Maalintan uleedahay Umada Soomaaliyeed isaga oo sidoo kale umahad celiyay una hambalyeeyay dhamaan qeybaha kala Duwan ee Ciidanka Soomaaliyeed

Khaliif Cabdule Carfaaye Taliyaha Ciidanka booliska Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in dib loo soo celiyo amaanka Dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhanka kale waxa uu ugu baaqay shacabka kudhaqan magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe iney ciidanka kala shaqeeyaan amaanka gobolka isla markaasina ay soo dhaweyn umuujiyaan martida maadaama Jowhar ay fidsnatahay Gogosha maamul usameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe

HALKAN HOOSE KADHAGEYSO WARBIXIN KOOBAN OO KUSAABSAN 12 APRIL

The post Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Shabeelaha Dhexe oo Bogaadiyay 12 April appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>