Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Shiikh: Waalidiintu ha soo doontaan caruurtii Shabaab qaldeen ee Puntland qabatay

$
0
0

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa tilmaamay waalidiinta Somaliyeed ee caruurtooda lagu qabtay duulaankii Shabaabka ay ku qaadeen deeganada Puntland in laga doonaayo inay soo doontaan caruurtooda oo ay iska daayaan cabsida.

MadaxweynahaSomaliya Xasan Shiikh wuxuu sheegay caruurtaasi inay yihiin kuwa ay soo qaldeen Shabaabka, islamarkaana puntland si wanaagsan ay u la dhaqantay.

“Waalidiinta waxaan leeyahay cabsida iska daaya soo doonta wiilashiina, caruurtiina soo doonta u imaada, cunugii shalay lagaa xaday ama lagaa xoogay, maanta waa wiilkaagi Dowladaadi ayaa gacanta ku haysa u imoow, oo u keen dareenkii waalidnimo ee shalay ay ka dhumiyeen, ilmahan yar yar ee aanan qaan gaarin waxa ay u baahan yihiin qalbigii waalidinimo iyo caadifnimadii waalidnimo, waalidiinta caruurtaasi laga soo xaday waxaan leenahay caruurta u imaada arka sida ay u nool yihiin.”Ayuu yiri Xasan shikh..

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku eedeeyay Saraakiisha Shabaabka inaysan daacad ka aheyn dagaalada ay wadaan, maadaama aysan caruurta ay qaldeen u raacin deeganadii ay u direen, taasina ay muujinayso fulaynimadooda waa sida uu yiri Madaxweynaha.

“Boqolaalka dhalinyarada ah ee la qalday dadkii diray waa fuleeyo gadaal ayuu ku ganbanayaa jiqda iyo geedaha dhexdooda, ha ogaadaan waalidiinta Somaliyeed iyo walaalaha waa fuleey muu soo raaco oo uu ku dhex jiro, hadiiba caruurta uu soo lugooyay, wuxuu ku soo lugooyay uu aaminsan yahay, Dowladda Somaaliya ma aysan ilaawin masuuliyadii Puntland ee gacanta ku qabatay xanaano gaar ah dadaal gaar ah iyo wacyigelin gaar ah ayeey u baahan yihiin, caalamka Somaaliya ha u soo jeesto oo Somaliya haka kaalmeeyo

Madaxweynaha  ayaa sheegay in ay Al-shabaabkii Puntland ku soo duulay ay ahaayeen Caruur, taasna tahay mid aan xaqiiqo ahayn maadama horay ay Puntland u sheegtay in madax Al-shbaaba lagu dilay dagaalkii maxaabiis aan caruur ahayna gacanta lagu hayo.

Hadal Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh ayaa u Muuqda mid faragalin ku ah Puntland, Madaama Dowlada Puntland ay iyadu Maxaabiistaas Gacanta ku hayso Go’aana iyadu ka gaari karto.

PUNTLAND POST

The post Xasan Shiikh: Waalidiintu ha soo doontaan caruurtii Shabaab qaldeen ee Puntland qabatay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>