Garowe(Puntland Post)-Deeq raashin ah ayaa waxaa ciidamada difaaca Puntland maanta gaarsiiyey Gabdhaha beesha meheri ee ku nool cariga Sweden , kuwaasi oo deeqdaasi u soo wakiishay gabdhaha Meheri eek u nool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland , kuwaasi oo kala ah Maymuun Nuur , Nasro Cali Axmed iyo Fowsiyo Xassan Maxamuud .
Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland Siciid Dheere oo deeqdaan ka gudoomay gabdhaha ayaa aad ugu mahadceliyey , waxaana uu ku dhiiri geliyey inay laba jibaaraan dadaalka waxtar ee ay la garab taagan yihiin ciidankooda.
Shugri Siciid Goodir oo ah gudoomiyaha Gabdhaha meheri ayaa dhankeeda sheegtay in marskasta ay ciidankooda la garab taagan yihiin hiil iyo hoo , waxaana ay ku amaantay difaacista dalkooda , dadkooda iyo diintooda .
Maymuun Nuur , Nasro Cali Axmed iyo Fowsiyo Xassan Maxamuud oo ah gabdhaha deeqdaan loo soo wakiishay inay gaarsiiyaan ciidanka ayaa aad ugu mahadceliyey saraakiisha ciidanka , waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan taakuleynta ciidamada difaaca Puntland.
Sawirro.
PUNTLAND POST.
The post Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Sweden oo deeq raashin ah soo gaarsiiyey ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.