Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Munaasabad Lagu Xusayey Maalinta Beeraha Puntland

$
0
0

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta
13 April 2016  waxaa uu xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe kaga qayb galay munaasabadda Maalinta Beeraha Puntland oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland, waxaana lagu soo bandhigay wax soo saarka Puntland oo ay ugu muhiimsan yihiin dalaga beeraha.  Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda iyo ganacsatada ku howlan ee maal gelisa wax soo saarka beeraha Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qayb galo munaasabad lagu xusayo wax soo saarka Puntland , isagoo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland ku ammaanay sida ay ugu howlan tahay horu marinta wax soo saarka beeraha, sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu caddeeyey in qorshayaasha waxqabadka Dawladda Puntland ay ku jirto sidii loo horu marin lahaa wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kale ee dalku leeyahay.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la kordhiyo cilmiga beeraha si loo helo aqoon yahano takhasus u leh dalaga beeraha si dalaga kasoo go’a Puntland uu tayo u yeesho.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe waxaa uu kaga qayb galay munaasabad ay ku qalan jabinayeen 43-arday oo dhamaystay heerka koowaad ee tacliinta sare iyagoo ka baxay kulliyado kala duwan. Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Dawladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise, Marwada Madaxweynaha Dr. Hodan Siciid Ciise, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda PSU, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda, arday, waalidiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa ardayda qalan jabisay ku amaanay waqtiga ay ku bixiyeen waxbarashada sare isagoo sheegay inay yihiin maskax iyo xoog cusub oo dalka iyo dadkaba usoo kordhay.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

DSC01660 DSC01662 DSC01666 DSC01668 DSC01670 DSC01672 DSC01675 DSC01676 DSC01677 DSC01679 DSC01682 DSC01683 DSC01684 DSC01685 DSC01690 DSC01691 DSC01692 DSC01695 DSC01696 DSC01698 DSC01700 DSC01703 DSC01704 DSC01706 DSC01710 DSC01711 DSC01713 DSC01717 DSC01719 DSC01722 DSC01726 DSC01734 DSC01737 DSC01745 DSC01746 DSC01752 DSC01753 DSC01756 DSC01762 DSC01766 DSC01768 DSC01770 DSC01776 DSC01777 DSC01781 DSC01787 DSC01790 DSC01794 DSC01800 DSC01804 DSC01805 DSC01806 DSC01818 DSC01824 DSC01832 DSC01844 DSC01669

The post Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Munaasabad Lagu Xusayey Maalinta Beeraha Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles