Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gal-mudug iyo maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Cadaado

$
0
0

Cadaado(Puntland Post)-Shalay galab dagaal ayaa ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, markii muran xoogan dhex maray Maleeshiyaad taabacsan Dadka qaadka keena Magaaladaas iyo Ciidamada Amaanka Dawlada Gobaleedka Galmudug oo iyagu bilihii u danbeeyey Gacanta ku hayey Cadaado.

Inkastoo aan naloo xaqiijin khasaare uu geystay dagaalka ka dhacay Cadaado hadana wararka aan ka helayno halkaas ayaa sheegaaya inuu iska hor imaadkani ka bilowday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

Qof ku sugan Magaalada Cadaado ayaa iminka noo xaqiijiyey inay xaaladu degan tahay ayna amaanka Garoonka Diyaaradaha la wareegeen Ciidamada nabad sugida Dawlada Federaalka ah ee loo yaqaan NISA.

Wax garadka Cadaado ayaa dadaal ugu jira sidii loo xaqiijin lahaa amaanka Magaalada, loona kala qaadi lahaa labadda Ciidan.

Puntland Post

 

The post Gal-mudug iyo maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Cadaado appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>