Waxaa qabsoomay shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruca tayeeynta iyo shaqaalaysiinta qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda ee ka faa’iidaysanaya mashruuca Bangigu Addunku maal-galinayo Dowladda Puntland fulinayso.
Shirkani waa markii afraad ee uu qabsoomo waxaana looga wada hadlay arrimo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin halka uu marayo nidaamkii shaqo qorista, shaqalaysiinta da’yarta ka qallinjabisay Jaamacadaha, tababarka iyo tayaynta shaqalaha Dowladda.
Waxa shirka daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Mudane Xuseen Cabdi Jaamac. Agaasimaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda guddiyada ee ka soo qayb-galay shirka, isagoo sheegay ujeedada kulan iyo waxyaalaha u baahan in laga wada hadlo.
Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac ayaa ka war bixisay nimaadkii shaqo qorista isagoo sheegay in uu marayo meel aad u wanaagsan, isla markaasna 9kii qof ee ugu horayeey oo ku guulaystay in ay heelaan fursadan shaqo(Madaxqaybeedyada Shaqaalaha-HR head Units) ay shaqo galidoonaan bisha May hadii Alle idmo. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in bishan gudaheeda ay qaadi doonaan imtixaankii Madaxqaybeedyada iibka ( Procurement section heads).
Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Marwo Barni Ciise Axmedahna Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sheegtay in ay jirto fursad shaqo oo loo soo bandhigi doono da’yarta ka qalinjabisay Jaamacadaha,(Young Graduate Recruitment and Talent Management)Agaasimaha ayaa intaas ku dartay in fursadan ay da’yarta siin doonta in ay shaqada ku bartaan, muddo labo sano ka dibna mid noqdaan shaqalaha Dowladda Puntland.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegtay in la tababari doono shaqalaha dowladda, Wasaaraduna ku howlantahay diyaarinta qorshihii tababarka shaqaalaha, dhawaana ay Wasaaraddu diridoonto wufuud uu hoggaamindoono Wasiirka Wasaradda Mudane Cabdirahman Shiikh Axmed, kuwaas oo booqon doona afar dal oo kala ah,(KENYA, UGANDA TANZANIA iyo ETHIOPIA).Ujeedada safarka ayeey ku sheegtay in uu yahay in xiriir lala soo sameeyo macaahida tababara shaqalaha rayidka ah ee dalalkaas (Civil Service Institutes/Colleges) isla markaasna la doorto macadkii cilaaqaadka la yeelanlahaa xaruunta lagu tababaridoona shaqalaha Dowladda Puntland.
Marwo Barni ayaa intaas raacisay in Wasaaradu ku hawlan tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga shaqalaha rayidka ah,(Civil Service Law) sidoo kalane la dhamaysiro tirro koobkii shaqalaha, dib u eegisna lagu sameeyndoono mushahaaradka iyo xuquuqda shaqalaha (pay and grading and pension policy)
Ugu danbayntii, shirka ayaa ku soo idlaaday jawi degan, waxana laysla fahmay waxyalihii laga qada hadlay intii uu kulanku socday.
—————DHAMMAAD—————-
The post Shirkii billaha ee Madaxda Guddiyada Fulinta Mushruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta Hay’adaha Dowladda oo qabsoomay. appeared first on Puntland Post.