Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso:Guddiga Culumadda Ee Gurmadka Abaaraha Puntland oo soo Bandhigay Deeqo Lacageed oo soo Gaaray

$
0
0

Guddiga Culumadda ee gurmadka abaaraha puntland ayaa ka warbixiyay deeq  lacageed oo guddiga ka soo gaartay oo dad soomaaliyeed  oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ugu deeqeen qoysaska a abaaraha iyo biyo la’aanta ay saamaysay ee ku nool  miyiga qaar ka mid ah goboladda puntland.

Guddiga gurmadda ee culumadda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda bosaso, oo ay goobjoog ahayeen sheikh Daahir Aw-Cabdi, Sheekh Axmed Yuusuf Daad, Sheekh Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo sheikh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa sidoo kale laga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka iyo gurmadka biyo dhaaminta ee ay ka sameeyeen goboladda qarkood.

guddoomiyaha guddiga abaaraha puntland Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa ka warbixiyay   mudadii ay socotay gurmadka abaaraha,lacago deeq ah oo soo gaaray guddiga, kuwaasi oo ays oo direen dad muxsiniin , Shirkadda iyo iskaashatooyin maxali ah oo ka danqaday dhibaatadda abaarta iyo biyo la’aantu ay ku hayso walaalahooda xoolo dhaqatadda ah.

Liiska dadka lacagaha soo Gaarsiiyay Guddiga

  1. Iskaashatadda Gaadiidka Dalmar                                                                         $5000
  2. Mu’asasada Al-Irshaad oo Ingiriiska degan                                                         $4100
  3. Jaaliyadda W/Denmark Arhus (Wakiil Webka Puntlandi}                               $3000
  4. Aamino Aadan Cameey                                                                                              $3000
  5. Faadumo Diiriye (Gothenburg )                                                                               $1500
  6. Bosaso Muxsin                                                                                                              $2000
  7. Jaamac Faarax Linkaping                                                                                            $300
  8. Umu Ayuub (Canada)                                                                                                    $500
  9. Baashi Xasan Tubaaho (Denmark)                                                                              $567
  10. Maryan Maxamed Nuur ( UK)                                                                                     $200
  11. C/risaaq Maxamed Cali (USA)                                                                                       $100
  12. Xaliimo Yuusuf Mahad (UK)                                                                                           $500

 

Gees kale, Guddoomiyaha Guddiga abaaraha sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa sheegay in mudadii ay socotay biyo dhaaminta qaybo ka mid ah goboladda puntland ayaa gurmad biyo dhaamin oo dhan 210 (Labo boqol iyo 10 booyadood) ay gaarsiiyeen goboladda karkaar iyo Sanaag  ee puntland

“ Gobolka Sanaag ayaanu ku hormarnay, waxaanu ka bilownay fiqi fuliye iyo degaanka hoos yimaada, xingalool iyo degaamada ku hareeraysan, bali busle iyo degaamada hoos yimaada iyo baraagaha qol dhulkaas waxaanu ku soo qaybinay 115 booyadood” ayuu yiri,wuxuuna sii raaciyay

“  Dhinaca gobolka Karkaar, waxaanu  biyo dhaamin ka samaynay Cambaar hoose, liqaan, Adingari, Qodax, Xumbays, Ceel la helay, Dabqax, Uur jire, Qaarar soor, Dhulkaasna waxaanu ku soo qaybinay 95 booyadood, marka lagu isk daro waxay noqonayaa 210 booyadood” ayuu yiri sheekh Fu’aad

Dhinaca kale, Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah guddiga culumada ee gurmadka abaaraha ayaa ugu baaqay ummada soomaaliyeed ee ilaahay wax siiyay inay soo caawiyaan walaalahood Soomaaliyeed ee  haraad iyo abaartu ay haleeshay, waxaana uu ilaahay ka beryay in roob lagu doogsado oo haraadka biiya inuu ilaahay ku qaboojiyo degaamadu abaartu ay saamaysay.

Gabagabadii, Guddiga culumadda ee gurmadka abaaruhu waxay sheegeen in abaartu ay aad u baahsantahay , ayana maalmaha soo socda ay howlo biyo dhaamin ah ay ka bilaabi doonaan degaamadda kale  ee biyo la’aanta iyo abaartu ay ka jirto ee goboladda puntland, waxayna  u mahadceliyeen dhamaan dadkii deeqda lacageed  soo gaarsiiyay guddiga  ee dalka guduhiisa iyo dibadiisa jooga.

Guddiga 3 Guddiga 4 Guddiga Guddoomiyaha Guddiga sheekh Fuaad

 

PUNTLAND POST

The post Bosaso:Guddiga Culumadda Ee Gurmadka Abaaraha Puntland oo soo Bandhigay Deeqo Lacageed oo soo Gaaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>