Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka qayb galay xuska toddobaadka dhireynta Puntland

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 17-April-2016 ka qayb galay munaasabad lagu xusayey toddobaadka dhiraynta Puntland oo lagu qabtay xarunta cilmi baadhista iyo horumarinta Puntland ee PDRC.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirro, Xidlhibaano,Agaasimayaal, hay’adaha Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeya ilaalinta deegaanka, arday,  shaqsiyaad u ololeeya ilaalinta deegaanka iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Deegaanka ee dawladda Puntland.

Munaasabadda toddobaadka dhiraynta Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtaa sannad walba maanta oo kale dhammaan gobollada Puntland waxaana lagu soo bandhigaa sannad walba waxyaabaha laga qabtay badbaadinta deegaanka,  faa’iidooyinka  biyo xireenada la sameeyey, saamaynta is beddelka cimilada ee deegaanka iyo caqabadaha taagan.

Hobollada Mahuraan Band oo munaasabadda lagu casumey ayaa kusoo bandhigay goobta heeso wacyi-gelin ah oo aad u soo jiitey kasoo qayb galayaashii munaasabadda, heesahaas o ay  ku cabbirayeen qiimaha ay leedahay dhirtu.

Wasiirka Deegaanka dowladda Puntland Mudane Cali Cabdilaahi Warsame ayaa khudbad ka hadlaysa ahmiyadda ay maanta u lee dahay shacabka iyo xukumadda soo jeediyay wuxuuna ka waramay dadaalka kala duwan ee dowladdu ka wado barnaamijkan iyo sidii loo ilaalin lahaa deegaanka waxa kale uu u mahad celiyay saaxiibada barmaanijkan kala shaqeeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ka sheekeeyey faa’iidada deegaanku u leeyahay noolaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo ilaalin lahaa deegaankeena.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa ku boorriyey shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan in ay ka shaqeeyaan ilaalinta deegaanka iyo dhiraynta magaalooyinka iyo tuulooyinka si loo soo celiyo bilicdii magaalooyinka Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa ku macneeyey sababaha keenay roob yaraanta iyo nabaad guurka ku dhacay deegaano badan oo ka tirsan  Puntland ay sabab u tahay xaalufinta lagu hayo dhirta, taa beddelkeedana loo baahan yahay in loo midoobo sidii gacan bir ah laysagaga qaban lahaa kooxaha ku haywlan xaalufinta deegaanka.

Ugu dambayntii, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dawladda Puntland ay dhowaan  samaysay ciidanka ilaalinta deegaanka oo ka hawl gala dhammaan gobollada Puntland, ciidankaas oo amar ku qaba in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan ciddii lagu arko iyadoo ka shaqaynaysa wax walba oo deegaanka wax u dhimaya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_6120 IMG_6122 IMG_6125 IMG_6128 IMG_6129 IMG_6131 IMG_6136 IMG_6133 IMG_6142 IMG_6143 IMG_6149 IMG_6151 IMG_6153 IMG_6159 IMG_6160 IMG_6179 IMG_6181 IMG_6188 IMG_6210 IMG_6229 IMG_6230 IMG_6234 IMG_6237 IMG_6246 IMG_6250 IMG_6255 IMG_6259 IMG_6262 IMG_6267 IMG_6270 IMG_6272 IMG_6282 IMG_6288 IMG_6286 IMG_6290 IMG_6294 IMG_6296 IMG_6300 IMG_6305 IMG_6308

The post Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka qayb galay xuska toddobaadka dhireynta Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>