Garoowe: (pp)- Wafti ka tirsan Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada, Saraakiil ka tirsan Puntland iyo Qeybo kala duwan oo Bulshada Gobolka.
Xubnaha baarlamanka Puntland ee yimid Gaalkacyo ayaa kasoo socdaaley dalka Ugandha oo ay uga soo qeyb galeen shir halkaasi loogu qabtey, waxayna sheegeen in safarkoodu guul ugu soo dhamaadey.
C/rashiid Maxamed Xirsi Afhayeenka Baarlamanka Puntland oo saxaafada kula hadlay gudaha Garoonka Galkacyo ayaa sheegey inay la socdeen dhaq dhaqaaqa siyaasada gudaha ee wadanka ayna ku rajo weyn yihiin in aysan ku imaanayn wax is bedel ah oo wax u keeni karra.
Waxa uu soo hadal qaadey gudoomiyuhu dhaqaalaha oo uu sheegey inay la qabto Puntland wadamada caalamka, islamarkaana ay rajeynayaan in laga gudbayo caqabadaha ka jirra oo ku tilmaamey inay yihiin kuwo aan sidaas u buurneyn.
Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyey eedeyn Dowlada Puntland uu usoo jeediyey Gen Cade Muuse oo Madaxweyne mar kasoo noqdey Puntland ayaa waxa uu si kooban uu yiri afhayeenka Barlamanku.
“Taasi waxay ka mid tahay dhaliilaha Dowlada mar walba uga yimaada dadkeeda islamarkaana dowladu ay tixgalineyso dhaliisha shacabkeeda, wixii talo iyo fikrado ahna diyaar ula tahay inay
ka qaadato”
Isku soo wada duubo waftigan gudoomiyuhu hogaaminayey ayaa mudo labo week ku maqnaa wadanka Ugandha gaar ahaan magaalada Kampala oo ay uga qeyb galeen kulan.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.