Bosaso: (pp)- Xafiiska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qeybteed oo sheegayey in ciidamo ka tirsan asluubta ay sameeyeen gadood .
Saraakiil ka tirsan Xafiiska ciidanka Asluubta Puntland oo xiriiro kala duwan Puntlandpost la sameysay ayaa sheegey inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya ciidamo Asluubta oo gadooday.
Faysan Jaama oo ka tirsan saraakisha xabsiga bosaso ayaa yiri” Taliska Ciidanka Asluubtu war buuxa ayuu kasoo saari doonaa beenta laga faafiyey ciidanka , idinkana waxaan idin sheegaya waxba kama jiraan ciidan-ka la leeyahay wuu gadoodey”.
Dhanka kale warar madax banaan oo ay Puntlandpost ka helayso isla xabsiga bosaso ayaa sheegaya inay jirtey is fahan la,aan kooban oo dhex martey labo ciidan oo midkood uu xabsiga u wadey maxaabiis iyo ilaalada xabsiga oo ku xirey ciidanka maxaabiista waday inay la yimaadaan waraaq maxaabiista u ogolaaneysa xabsiga sida uu sharcigu qabo.
Intaas ka dib is fahan la,aanta waxaa soo dhex galay sida ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen taliska asluubta oo ku guuleystey maxaabiistii in lagu wareejiyo xabsiga isla durbadiiba, mana jirto wax mushkilad ah oo dhex martey labada ciidan.
Maalmihii lasoo dhaafey Puntland ayaa dhacdooyin yar yar oo ka dhacay warbaahinta qeybteed ay u muujiyeen sawir ka bedelan sida uu xaalku yahay, iyadoona nabadgalyada iyo xaalada siyaasadeed ee dalka aan laga dareemayn wax isbedel siyaado ah.
Bixinta Mushaarka Ciidamada ee Puntland.
Bixinta Mushahaarka ciidanka ayaa Garowe laga bilaabey subaxnimadii sabtida ee aynu kasoo gudubney,waxaana ciidamada la siiyey mushahaar labo bilood ah oo qeyb ka ah saddex bilood oo ciidanka ka maqnaa.
Saraakisha ciidamada ee bilaabey bixinta Mushahaarka ayaa xaqiijiyey in mushahaarkan uu qeyb ka yahay mushahaarooyin bixintooda laga bilaabey labadii maalmood ee ugu danbeeyey dhamaan xeryaha ciidamada Puntland oo ay ku jiraan ciidamada ku sugan furimaha jiida Galgala.
Dhinaca kale saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska taliska guud ee ciidanka Puntland oo telefonka aanu kula hadalney ayaa noo xaqiijiyey in uusan jirin xilligan is fahan waa ka dhex jira iyaga iyo ciidankii dhawaan gadoodey.
“Madaxweyne ku xigeenka iyo Taliyaha Ciidamada ayaa nala joogey maalmihii lasoo dhaafey, waxayna xal u heleen tabashadii ciidanka ay awal bosaso kusoo galeen, labo bilood oo mushahaar ahna waa la siinayaa ilaa maanta ciidanka ka dibna difaaceenii dib ugu laabanayna“ ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka furimaha ka yimid oo magaciisa naga codsadey in aanu qoraalka ku sheegin.
Ciidamada gadoodey ayaa arrintoodu ka danbeysay ka dib cabasho xaga mushahaarka ah, waxayna muujinaysaa bixinta mushahaarka ee cidamada ee laga bilaabey Puntland inay qeyb ka noqoneyso wax ka qabashada tabashadii ciidanku ku sameynayeen gadood.
Gadoodka Ciidanka iyo Goorta uu bilowday.
Sida dad badan ay la socdaan Puntland waxay jirtaa muddo ku siman 15 sano ,taasi oo marka dib loo fiiriyo taariikhdeeda sawiro kala duwan ay kaaga muuqanayaan marxaladihii iyo xilliyadii ciidamada Puntland soo mareen iyo xaalada xilligan ay ku jiraan.
Xukuumada Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadihii ka horeeyey waxay si weyn ay ugu kala duwanaayeen daryeelka iyo mushahaarka ciidamada, waxaana sida ay dad badan la socdaan oo ka mid ah bulshada reer Puntland ka qarsooneyn xogta ciidamada iyo heerarkii ay soo mareen, laga-se yaabee in waqtiyadu kala duwanaayeen.
Marka aynu dib u jaleecno xiligii uu talada wadanka Madaxweyne Faroole uu kala wareegey Madaxweynihii ka horeeyey Gen Cade Muuse ma uusan jirin ciidan Puntland oo leh awood kan hadda jirra lala simi karo, waxaana jirey caqabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen burcad badeed buux dhaafiyey magaalooyinka Puntland, Kooxo dilal iyo qaraxyo ka bilaabey gudaha wadanka,Xuduudaha qeybtood oo laga qabsadey xukuumadii horre sida Laascaanood iyo marxalado kale oo culeys ku ahaa Xukuumada C/raxmaan Shiikh Maxamed.
Sanadkii 2009 markii Puntland loo doortey Madaxda maamulka xilligan jooga waxaa jirtey in Mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha aysan siinin xukumadii Gen Cade muddo lagu qiyaas ahaan gaareysay 2 sano iyo bar , taas oo ahayd abid xukuumadii dalka maamuleysay iyada oo aan shaqalaha iyo ciidanka mushaar siinin, waana mida keentey in Gen Cade uu kursiga kusoo laaban waayo ka dib doorashadii oo uu mar kale galay.
Taasi oo jirta ayaa haddana dhanka kale waxay dad badan ku sababeynayaan in meesha laga saaro xukuumadaasi inay ku timid isbedel si weyn Puntland shacabkeedu ugu xiiso qabey oo la xiriirey duruufo saameyn nolosha bulshada ku timid sida sicir bararkii laga dhaxley makiinadihii lacagta faalsada ku daabici jirey gudaha Puntland oo qiimaha sarifka iyo maciishada gaarsiiyey abid meeshii ugu sareysay.
Taariikhda iyo xilliga ay kasoo gudubtey Xukuumada xilligan waxa lagu tilmaamaa in aysan ahayn mid la dhayalsan karo , sida dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ku bixisey mushahaaraad si joogto ah muddo ka badan 3 sano iyo bar loo bixinayey,Siyaasadaha dibada,Dagaalo soo wajahay Puntland sida midkii Galgala, Dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda,dejintii dollarka iyo maciishada, iyo howlo badan oo dhakhli ku baxay oo aan qoraal lagu soo koobi karin, in aynu qeyb yar warbixinta ku xusno mooyee.
Marka aad la sheekeysato saraakiishii muddo dheer ka tirsanaan jirrey ciidanka Puntland waxay ku saleynayaan taariikhdii horre ee ciidanka iyo midda hadda inay ahayd mid la micno ah Labada kalmadood ee soo socda oo ah kuwo inta badan Somalidu adeegsato dhawaaq ahaana noqonaya sida ay u qormaan sidatan “kaaf iyo kala dheeri”.
Saraakiishan oo qaarkood dad da,ah oo aan xilligan shaqeyn ayaa sheegey inay wali mushaari ka yihiin ciimada oo aysan dayacin xukuumada faroole hadii xataa ay howl gab noqdeen.
Waxayna amaan iyo bogaadin u jeediyeen saraakiishani in xukuumadu ciidamada ay u fidisey adeegyo Puntland aan horey looga aqoon jirin, ayna ka mid yihiin,daryeelo isugu jirra caafimaad sida askar ay u dirtey caafimaad dibada .
Iyagoona tusaale usoo qaatey ciidamadii ku dhaawacmey Galgala iyo howl galo kale,mushahaar kordhin ay ugu dartey qiimihii mushahaarkii hore islamarkaana si joogto ah ay u heli jireen ciidanku saddex sano iyo bar ka badan, tababaro iyo bixinta dhibaad kharash oo askarigii qoys ka dhinta caruurtiisa noloshooda lagu kabo.
Marka la bar bar dhigo xilligan iyo midkii kasii horeeyey waxa uu ahaa mid aad u kala fog fog tusaale ahaan Saraakiisha ayaa waxay qirayaan xilliyadii horre ee ay shaqeynaysey xukuumadii tan ka horeysey in ciidamadu marar badan ay sameyn jireen gadood aan xisaab lahayn, ilaa uu markii danbe gaarsiiyo in ay kala dareeraan,hubkoodii ay haysteena u beec geeyeen suuqyada ka dib markii ay waayeen cid uga diir naxda gaajadii lasoo deristey.
Tayada Ciidamada iyo Helitaanka xuquuqo hor leh.
Ciidamada Puntland hadda leedahay waxay isugu jiraan qeybo kala duwan oo intooda badan dhisitaankooda lagu guuleystey mudadii ay shaqeynaysay xukuumada Faroole, taasi oo sida taariikhda lagu hayo juhdi badan lagu bixiyey dhismahooduna uu yahay mid faa,iido weyn u leh difaaca iyo sugitaanka amaanka shacabka reer Puntland.
Dhinaca qalabka iyo tayada ciidamada Puntland ayaa laga dareemayey sanadihii u danbeeyey Puntland, kuwaas oo sawirkooda laga tusaale qaadan karo kolka lagu arko fagaarayaasha sida maalinta sanadguurada Puntland oo intii xukuumadan ay jirtey aysan ka baaqaneyn ka qeyb galkooda ku aadan ciidanku, walow xukuumadihii horre ee Gen Maxamud Muuse Xirsi aysan jirin hal xus oo ay ciidamada Puntland uga qeyb galeen sanad guuradii la aas aasey Puntland.
Dhanka tabo barada ciidanka ayay saraakiisha iyo askarta qeybo badan oo ka mid ah xaqiijiyeen inay yihiin kuwo si joogto ah uga soconaya xeryaha ciidamada, sidoo kalena ay sii dheer tahay tababaro ciidamadu kusoo qaataan qeybtood wadamo dibada ah sida Ugandha, Ethiopia, halka ay jireen saraakiil xukuumadu Dr c/raxmaan ku guuleysatey inay u dirto dibadaha fog fog oo Talyanigu ka mid yahay kuwas oo loo soo tabo barey booliska.
Dhakhliga ku baxa ciidamada Puntland ayaa laga qiyaasi karaa tirada ay le,eg yihiin, mid ku saddex jibaarma tiradii ciimada ee u diiwaan gashanaa xukuumadihii ka horeeyey midan mushahaarka ay siin jireen, halka adeegyada iyo kharashaadka kale yihiin kuwo ka sareeya kharashaadyadii horre madaama si joogto ah ciidamada ay ugu baxaan adeegyo ay ka mid yihiin caafimadka,raashinta oo xeryaha loogu bisleeyo iyo wixii kale ee la halmaala nolosha bini,aadamka oo ciidamada xeryahooda dowladu ku siiso.
Isbedelka Ciidamada Puntland.
Ka hor afartii sano ee lasoo dhaafey ciidanka Puntland waxa lagu aqoon jirey in ay magaalooyinka gudahooda la dhex imaan jireen gadiidkooda dagaalka , kuwaas oo si anshax xumo ah dadka ugu dhex qaadan jirey hubkooda, balse mudooyinkii u danbeeyey sharciyo adag oo xukuumadu kasoo saartey lagu guuleystey in la suuliyo dhaqamadaas ciidanka lagu aqoon jirrey .
Marar qaar waa ay dhacdaa in lagu dhex arko gudaha magaalooyinka ama wadooyinka ciidamo hubeysan, balse taasi wey ka bedelan tahay qaabkii horre, waxayna timaadaa marka ciidamadu sameynayaan howl-galo .
Sida ka muuqata goobo badan oo ka tirsan faras magaalayaasha Puntland waa ay ku yar tahay in ishaadu qabato askar bulshada dhexdheexa hub la dhex joogta ama gadiid dagaal oo gudaha magaalooyinka dhex wareegaya si aan sharcigu u ogolaaneyn, waxaana taasi marka aad arki weyso ku xasuusineysaa taariikh laga soo gudbey oo ay ka mid ahayd in lagu arki jirrey ciidamada marfish-yada lagu qayilo ee gudaha magaalooyinka oo ku baakimi jireen gadiidkooda dagaalka ee qoryuhu ay ku rakiban yihiin.
Saameynta Warbaahinta ee Horumar Dalka.
Inta badan warbaahinta waxay wararka ka heshaa ilo kala duwan oo soo gaarsiiya xogta rasmiga ah, balse waxaa muhiim ah in uu jiro sida uu qabo sharciga saxaafadu dabo gal iyo hubin helitaanka xogta ka dib oo ay sameyso hay,add walba oo warbaahin, islamarkaana ku shaqeysa sharci dhex dhexaadnimo ama tabinta warar xaqiiqo ah.
Dadka in badan oo ka mid ah ayaa xilligan waxay ku fasiraan warar kala duwan oo laga baahiyo gudaha wadanka Somalia inay yihiin kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin koox koox kale aragti ay saaxiib kula tahay kasoo minguurisa, waxayna taasi la micno noqoneysaa in uusan jirin ku dhaqanka sharciga saxaafada.
Inta badan suxufiyiinta Somalida iyo warbaahinta oo gudaha wadanka kala kulma marxalado adag oo lasoo darsa ayaa haddana sida muuqata waxaa saameyn ku leh waxyeelada soo gaarta baahinta warar dad badan ku tilmaameen been abuur laga sameystey oo sida suxufiyiinta qaar ka tirsan sheegeen ay kasoo gaarto hay,add warbaahin oo ay ka tirsan yihin ka dib marka ay faafiso dhacdo aysan kala tashan ama aysan waxba ka weydiin jiritaankeeda xogtaasi wakiil u jooga goob ay warkaasi ka faafineyso.
FG: Warbixintan ma ahan mid aanu cid si gaar ah ugu difaaceyno ama wax ugu dhimayno ee waxay ka hadleysaa sooyaalka taariikheed ee ka muuqata gudaha wadanka iyo midkii ka horeyey oo ku saabsan ciidanka iyo qodobo kale oo si yar yar aanu u dulmarney.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Boosaso.