Jawhar(Puntland Post)-Tuulada Daanyeerey Waxa ay ka mid tahay Tuulooyiinka Hoos Yimaada Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana lagu soo waramayaa in uu Xiligan Ka dilaacay cudurka Kuduudiyaha, tuuladani ma laha Adeeg caafimaad.
Waxaana dadka Tuulada ugu dhow adeeg Caafimaad Cisbitaal Ku yaalaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, Gudoomiyaha Tuulada Daanyeerey oo U waramay Weriye Shaashaa ayaa ka war bixiyay Xaalada guud ee Tuulada.
Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale ka hadlay roobabkii Gu’ga oo kabilowday tuulada Daanyeerey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isaga oo sheegay in dadka tuulada ay udhaqaaqeen falashada ama tacbashada Beerahooda.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Weriye Shaashaa uu la yeeshay Gudoomiyaha Tuulada Daanyeerey Cabdulqaadir Shiikh Axmad Caarif
Puntland Post
The post Dadka Kudhaqan Tuulada Daanyeerey oo Kacabanaya Cudurka Kuduudiyaha appeared first on Puntland Post.