Garowe(Puntland Post) Ururka ardayda Jaamacadda PSU ee PSUSDA ayaa soo bandhigay waxqabadkooda boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay , munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay xogahayaha dawlada hoose degmada Garowe,Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda PSU ,Hormuud-yada kuliyadaha kala kala duwan iyo ardaydda ururkan ku midaysan.
Munaasibadu intii ay socotay waxaa halkaasi lagu soo bandhigay muuqaal ka hadlaya waxqabadla ururka ardayda , gudoomiyaha ururka ardayda Jaamacadda Cismaan Cabdullahi Cali (Shiine) ayaa ardayda jaamacadda PSU uga waramay waxyaabaha ay qabteen mudada sadexda bilood oo ay xafiiska joogeen iyo waxyaabaha u qorsheysay 100 ka maalmood ee soosocda hadii RABI IDANKA KA DHIGO.
Cismaan Shiinen ayaa aad ugu mahadceliyey ardayda jaamacadda PSU sida wanaaga leh oo ay ugarab istaageen ururkooda isagoona sheegin la,aantood inaysay wax suurta gasheen, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dakhliga soo galay ururka ardayda iyo meelaha uu ku baxay taas oo ka turjumaysa isla xisaabta ka dhexeeya ardaya iyo ururkooda.
Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacadda PSU Burhaan Aadan Cumar oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu kasoo qayb galo xaflada lagu soo bandhigayo waxqabaka ururka ardayda boqolka maalmood oo ah inta ay xafiiska joogeen, wuxuuna amaan usoo jeediyey in waqti kooban ay ku qabteen shaqooyin muhiim ah oo ay sugayeen ardayda jaamacadda PSU taas oo ahayd balan qaadyadii ay qadeen ururka ardayda ,sidoo kalena ku booriyey in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan oo ay ku guulaystaan in kabadan kuwii ay ku guulaysteen .
Ugu danbeen waxaa xaflada soo xiray xoghayaha dowlad hoose degmada Garowe Abdiqafar Cabdiraxmaan Sheikh Axmed oo sheegay in ardaya jaamacadda PSU ay soo bandhigeen waxqabad la taaban karo oo ku dayasho mudan isoogan amaan usoo jeediyey sida wanaagsan ee la xisaabtanka leh oo ay ardooda ugu soo bandhigayaa wax kasta oo qarashaad ah meesha uu ku baxay.
Xoghaya dawlada hoose ayaa ugu baqay in ardayda ay kala shaqeeyaan arimaha bulshada ee laga wado gudaha maagaladda Garowe, waxaa halkaasi shahaado sharaf lagu gudoonsiyey qaar ka tirsan xubnaha ururka ardayda jamaacadda PSU Ee PSUSDA kuwaas oo ahaa shaqsiyaadkii ugu firfircoona ururka.
PUNTLAND POST
The post Ururka Ardaydda Jaamacadda PSU oo soo bandhigay waxa u qamsoomay 100-kii maalmood ee lasoo dhaafay appeared first on Puntland Post.