Nadwo cilmiyeedkii 14aad oo muddo lix habeen ka socotay Masjika Rowda ee magaaladda Bosaso, ayna muxaadarooyin ka jeediyeen culumo caan ka ah Somaliya ayaa xalay la soo gabagabeeyay magaalada Bosaso, waxaana laga soo saaray bayaan 13 qodob ka kooban.
Munaasabadii gabagabada waxaa ka qaybgalay culuma’udiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Daahir Aw-cabdi, Sheekh Axmed Cabdisamad, Sheekh C/raxmaan Bukhaari, sheekh Maxamed Macalin iyo Culumo kale, waxaa kaloo ka qaybgalay Beeldaaje Cali Faarax, Beeldaaje Yaasiin iyo qaar ka mid ah ganacsatadda ka howlgala magaaladda Bosaso.
Nadwadan oo cinwaankeedu ahaa dhibaatada akhlaaqeed ee ummada haysata iyo kala taga Midnimo ee ummada Soomaaliyeed, ayaa bayaankii laga soo saaray waxaa uu u qornaa sidatan.
Bayaan :
Mahad oo dhan Ilaah baa iska leh, nabadgelyo iyo ammaanna nabigeennii Muxammad ahaa, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacday ilaa qiyaamaha dushooda ha ahaato.
Intaas ka dib:
Bayaankii culimadu ay kasoo saareen nadwadii 14aad ee ka dhacday magaalada Boosaaso 8_13/7/1437h kuna beegnayd 15-20/4/2016 m .
Qodobada Bayaanka
- Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed Alle ka cabsi iyo inay qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka alle iyo sunnada Nabiga ( nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato)
- waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed ilaalinta midnimada, wada jirka iyo iskaashiga si loo helo awoodii iyo haybadii ummadda soomaaliyeed.
- Waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed is cafis , iyo inay ka heshiiyaan dhamaan dhibaatadii dhex martay dhaqan iyo dhiigba.
- waxaaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed inay ka fogaato dhammaan wixii keenaya is nac dhaawacayana wada jirka ummadda , sida qabyaalada, gobolaysiga , danaysiga gaar haaneed iyo nacayb abuurka.
- waxaaan ugu baaqaynaa maamul goboleedyada in ay u howl galaan raadinta qaran soomaaliyeed, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara kala fogaanshaha ummadda Soomaaliyeed.
- waxaan ugu baaqaynaa umada soomaaliyee inay ka fogaadaan macaasida , sida : diin cayga,dilka, sinada, afxumada, beenta, xanta ,isku dirka, durida nasabka iwm.
- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ganacsata soomaaliyeed inay xalaal miirtaan, kana dheeraadaan ka ganacsiga wax walba oo khilaafsan shareecada islaamka, sida cuntooyinka iyo daawada dhacday, ama aan lahayn tayadii laga rabay,iyo khudaarta lagu buufiyo sunta horayna laga soo iib geeyo iyo keenista dharka raga iyo dumarka ee khilaafsan labiska islaamka .
- waxaan ugu baaqaynaa dhalin yara soomaaliyeed rag iyo dumarba inay dhowraan anshaxa iyo dhaqanka islaamka, kana dheeraadaan isu ekaysiinta gaalada , sida timaha geesaha laga xiiro, fooda oo la dheeraysto, xirashada saraawiisha ciriiriga ah ee aan asturayn cawrada, sidoo kale gabdhahu inay iska ilaaliyaan inay dibada ula soo baxaan xijaab aan waa faqsanayn shareecada islaamka , iskana dhowraan daawooyinka jirka badala ee dhaawacaya diintootada, caafimaadkooda, iyo sharaftooda.
- maadaama ay dalka ka jirto abaar baahsan waxaan allaah ka baryaynaa raxmad ballaaran oo dag dag ah, sidoo kalana waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa: inay allaah u Toobad keenaan, lana badiyo ducada iyo roob doonta, dhanka kale waxaan ganacsatada iyo bulshada dal iyo dibadba ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan gurmadka lagu taakulaynayo dadka iyo duunyada tabaaalaysan.
- Culimadu waxay tacsi u dirayaan dhamaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan waalidkii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhinta Baddaha dalka masar, waxayna cadaynayaan Tahriibtu inay tahay masiibo qaran , hadaba waxay culimadu ugu baaqaynaa bulshada soomaaliyeed inay ka dhowrsadaan tahriibka ay naftooda ku haligayaan.
- Culimadu waxay ugu baaqayaan madaxda iyo wax garadka soomaaliyeed in ay isu taagaan sidii loo bad-baadin lahaa dhalin yarada ku le’anaysa badaha iyo saxaraha, si taas loo helana waa in dhalin yarada loo saameeyaa shaqo abuur, wacyi galin, la lana dagaalamaa kooxaha abaabulan ee tahriibta ka shaqeeya, loona howl- galaa sidii loo heli lahaa qaran soomaaliyeed oo ummadda ku filan.
- Culimadu waxa ay ugu baaqayaan Hay’adaha iyo NGO yada aan muslimka ahayn ee ka shaqeeya dalka soomaaliya inay ilaaliyaan diinta iyo dhaqanka dadka soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah.
- Maadaama uu dalku galayo doorashooyin, waxay culimadu ugu baaqaynaa madaxda dhaqanka, bulshada qaybeheeda kala duwan iyo maamulada inay umada u xulaan dad ma tali kara qaranka, dhowrina kara diinta , dalka iyo danta ummadda soomaaliyeed .
Saxiixayaasha :
- Sheikh Daahir Aw Cabdi
- Sheikh C/naasir Xaaji Axmed
- Sheekh Xasan xuseen Axmed
- Sheikh axmed daahir xasan xuseen
- Sheikh maxamed macalin axmed
- Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
- Dr Axmed jaamc ismaaciil
- Sheikh C/raxmaan maxamed dhowre (Bukhaari)
- Sheikh Maxamuud maxamed xaliike
- Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji
- Sheikh Faarax Maxamed Cajab
- Sheikh Maxamed C/laahi C/dule.
- Sheikh Axmed faarax Garaase
- Sheekh cusmaan maxamuud
- Sheikh Xasan c/llaahi xasan.
The post Bayaan Laga soo Saaray nadwo Cilmiyeedkii 14aad Oo Xalay lagu soo Gabagabeeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.