Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaflad Lagu Taageerayay Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Dr Siciid Cabdullaahi Dani oo Bosaso Ka Dhacday.

$
0
0

Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay Dr Siciid Cabdullaahi Dani oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Somaliya ee doorashadda 2016-ka ayaa lagu qabtay hotelka Juba ee magaaladda Bosaso.

Xafladan oo ahayd qado sharaf ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Duqa degmadda bosaso Yaasiin mire maxamuud, Taliyaha ciidanka Booliska puntland c/risaaq Afguduud, Isimo uu ka mid yahay Beeldaaje Cali Faarax, nabadoono, Aqoonyahano, siyaasiyiin hore, culuma’udiin, Ganacsato, Dhalinyaro iyo qaar ka mid ah haweenka gobolka bari.

Prof Axmed Maxamed Barre oo ugu horrayn xafladda daahfuray ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo waxqabadka musharaxa , waxaana uu sheegay inuu  musharax yahay Aqoonyahan, Siyaasi, Ganacsade,ahna shaqsi firfircoon, oo howlkar ah,  qayb libaaxna ka qaatay dib-u-yagleelidii waxbarashadda ahliga ee puntland, sidii kale ka  qaybqaatay arrimaha bulshadda ee somaliya

“musharax Siciid wuxuu ku dhashay gobolka Banaadir sanadkii 1967, waxbarashadiisa hoose,dhexe,sare iyo jaamacadeedba waxaa uu ku qaatay magaalada muqdisho, waxbarshadisa heerka labaad ee jaamacadana waxaa uu ku qaatay dalka Malaysia” ayuu yiri prof Axmed bare.

“ 1991-kii burburkii ka dib wuxuu hormuud u ahaa dadkii bilaabay waxbarashada ahliga ah, wuxuuna ahaa asaasihii dugsiga Al-Nawaawi , waxaa kaloo uu asaasay hay’adda Tadamun iyo Xarunta TB-da ee ugu horraysay ee dalka laga hirgaliyo” ayuu sii raaciyay .

Duqa Degmadda Bosaso Ing Yaasiin Mire Maxamuud iyo Taliyaha booliska puntland C/risaaq Afguduud oo ka hadlay xafladda ayaa qiray inuu musharax Siciid Cabdullaahi uu yahay shaqsi u qalma uu dalka iyo dadka uu hoggaamiyo, iyadoo lagu miisaamayo wixii dadka soomaaliyeed u qabtay mudadii burburka.

Gees kale,Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Nabadoono, Aqoonyahanadii iyo Ganacsatadii  kela ee ka hadashay xafladda ayaa  taageeray musharaxa, waxayna aad ugu dheeraadeen tilmaamida iyo ka sheekaynta waxqabadkii wanaagsanaa ee uu dalka ka qaybtay xiligii uu ahaa u dhaqdhaqaaqaha arrimaha bulshadda iyo waqtigii uu noqday xildhibaan iyo siyaasi ka dhex muuqda dowladnimadda Soomaaliyeed.

Musharax Dr Siciid Cabdullaahi Dani waa xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaalka somaliya, waxaa u u sidoo kale noqday Wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah xukuumaddii Cabdiweli sheikh Axmed, isagoo hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan madaxweynanimadda ee dowladda federaalka somaliya oo la dooran doono bisha September ee Sanadkan 2016ka.

DSC_0903 DSC_0909
DSC_0914 DSC_0915 DSC_0917 DSC_0919 DSC_0920 DSC_0923 DSC_0925
DSC_0932 DSC_0935
DSC_0943 DSC_0957 DSC_0963

DSC_0975 DSC_0987 DSC_0991 DSC_0999 DSC_1004 DSC_1023 DSC_1027

PUNTLAND POST

The post Xaflad Lagu Taageerayay Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Dr Siciid Cabdullaahi Dani oo Bosaso Ka Dhacday. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>