Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ruushka oo sheegay Soomaaliya inuu hub ka iibinaayo marka cunaqabataynta Hubka laga qaado

$
0
0

Dowladda Ruushka ayaa daboolka ka qaaday in Somaliya ay ka iibinayso Hub hadii Somaliya laga qaado cunaqabataynta QM ee Hubka.

Afhayeen Sare oo u hadlay Raashiya ayaa sheegay inay Dowladda Raashiya diyaaar u tahay in la xaqiijiyo Codsiga ay Dowladda Federalka Somalia ku doonayaan in Hub looga iibiyo, Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA Novosti ayaa tilmaamay inay Dowladda Somalia hubka ka iibin doonaan.

“Raashiya waxay diyaar u tahay inay meelmariso Codsiyadda Hubka ee uga yimaada dhamaan Dalalka Caalamka, oo ay Somalia ku jirto, haddii aysan cunaqabatayn saarnayn” ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov waxa uu sheegay inay Dowladiisa diyaar u tahay inay garwaaqsadaan inay Somalia iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.

Somaliya ayaa xilligaan waxaa saaran cunaqabateyn  oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Somalia bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaasi oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen magaalladda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Goballadda Somalia .

Hadalkan  ayaa yimid hal maalin kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov.

Kulankaasi oo ka dhacay caasimadda dalka Raashiya ee Mosko ayaa waxa uu Ra’isul-wasaaruhu ka codsaday Dowladda Federalka Raashiya inay taageero ka geeystaan Horumarinta Dhaqaalaha Somalia iyo Xoojinta Awoodda Ciiddanka Somalia.

Dhanka kale  Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka codsaday in Somalia laga qaado Xayiradda Hubka, si ay Ciiddanka Qaranka u helaan Hub ay u adeegsadaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

PUNTLAND POST

 

The post Ruushka oo sheegay Soomaaliya inuu hub ka iibinaayo marka cunaqabataynta Hubka laga qaado appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles