Hay’adda Read Horn Of Africa ayaa Deeq Raashin ah oo Ka Timid Dhalinyarada iyo Qurba Joogta Somaliyeed ee Woqooyiga Maraykanka gaarsiiyay 170,Qoys oo Kamid ah dadka ay abaarahu saameeyeen ee ku nool magalada Xingalool ee Gobalka Sanaag.
Bile Sugulle oo ka mid ah madaxda Hay’addan, ayaa sheegay deeqdan mucaawinada ah inay ka timi dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Maraykanka, wuxuuna sheegay inay farxad u tahay inay deeqdaan ku wareejiyaan dad u baahan oo danyar ah, wuxuu sheegay haddii la isku tashado in waxqabad muuqda la gaari karo.
Qaar ka mid ah gudiga abaaraha Xingalool iyo waliba Dadka ay Abaaraha Saameeyeen ee Deeqdan Raashinka ah la gaarsiiyay ayaa ka mahad celiyay waxayna sheegeen inay taahay mid ay ku farxayaan in dad Soomaaliyeed ay soo caawiyeen.
Deeqda ayaa loo qaybiyay dadka dhimirka ka xanuunsan, agoomaha, dadka curyaanka ah iyo dadka waa weyn ee danyarta ah, Oday ka mid ah odayaasha guddiga ayaa sheegay Gobalka Sanaag inuu ka mid yahay meelaha sida aadka ah abaartu u saamaysay.
Ma ahan markii ugu horaysay Qurba joogta Soomaaliya ee dibadda gurmad noocaan oo kale ah soo gaarsiiyay dadka danyarta ah, hase yeeshee dadka ku nool Dalka Maraykanka ayaa inta badan dadaalada noocaan oo kale ka qayb qaata iyagoo si toos ah usoo gaarsiiya qoysaska ku haboon.
PUNTLAND POST
The post Hay’adda Read Horn of Africa oo deeq ka timi Soomaalida Maraykanka gaarsiiyay Danyarta Xingalool appeared first on Puntland Post.