Guddoomiye Guddiga Culumada ee gurmadka abaaraha sheikh Fu’aad Maxamuud X. Nuur iyo Guddoomiye k/xigeenka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku Qabtay magaalada bosaso ayay kaga hadleen biyo la’aan ba’an iyo abaaro ka jira inta badan degaamadda puntland, waxayna ugu baaqeen dowladda puntland inay qaadato kaalin muuqata.
Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur wuxuu ku dhaliilay dadka reer puntland ee dhaqaalaha iyo shirkadaha waaweyn haysta iyo dowladda puntland inaysan dareesanayn xajmiga ay leedahay abaarta iyo biyo la’aanta ku habsatay xoolo dhaqatada reer puntland.
“ Ummada walba qaabka ay bulshadeeda u gargaarayso iyadaa iska leh inay siyaasadeeda dejiso , hay’adaha dalka jooga biyo waa dhaamiyaa, laakiinse waxaa yaab leh hay’aduhu waxay leeyihiin biyaha waxaanu ku shubaynaa tuulooyinka, annagu xoolo shuqul kuma lihin oo arrimaha bani’aadanimada ayaanu ka shaqaynaa” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Maxamuud X. Nuur
“Waajibka Saaran dowladda puntland waxaa weeye inay hay’adaha u sheegto in khayraadka ay bulshadda soomaaliyeed reer puntlad ay ku nool yihiin uu yahay Neefka xoolaha, oo muhiimada gaarka ah u leh” ayuu sii raaciyay sheikh Fu’aad Xaaji Nuur.
Puntland waxaa ka jira Guddiga Culumadda ee gurmadka iyo Guddiga gurmadka abaaraha dowladda oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne k/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camay iyo Hay’ada ka hortega masiibooyinka puntland oo lagu magacaabo Hadma. hase yeeshee waxaa la sheegay in gaabis ku jiro gurmadka iyo taakulada loo fidinayo dadka abaaruhu ay saameeyeen, iyadoo shirkii gollaha wasiirada ee maalintii khamiistii lagaga hadlay xaaladda abaartay, islamarkaana laga codsaday beesha Calamka iyo hay’adaha kale in gurmad la gaasiiyo dadku abaartu saamaysay
Gees kale, Guddiga culumadda ee gurmadka abaaruhu waxay faahfaahin ka bixiyeen lacago ay soo gaarsiiyeen guddiga Jaaliyadda reer puntland ee finland oo ku deeqay lacag dhan $2500, waxaa kaloo guddigu u mahadceliyeen shirkado iyo shaqsiyaad ku deeqay lacag biyo dhaamin iyo taakulayn loogu sameeynayo qoysaska ay abaartu ku dhufateen.
Jaaliyadda Puntland Society of Finland $ 2500,
Jaaliyadda Opsala ee Sweden oo wakiil u ahaa maxamud maxamed Tarabi $1380
Shaqaalaha Soomaalida ee Hay’ada Care $1340
Iskaashatada Gaadiidka PL-ka ee Bosaso $1000
Ganacsade Cumar Cali Xasan (Dubai) $1000
Cali Nuur (UK) $100
Aamino Yaasiin Warsamed (Garowe) $499
Shirkadda Daawooyinka ee Shaafici $5000
Arrintu si kastaba ha haatee, Maalmihii la soo dhaafay waxaa qaylo dhaan hor leh ay ka soo yeertay dadka xoolo dhaqatada eek u noo degaamo iyo degmooyin hoos yimaado gobolka Nugaal , wacay ka cabanayaan biyo laa’aan iyo xoolihii oo halis ugu jira inay dhintaan.
PUNTLAND POST
The post Guddiga Culumada ee Gurmadka Abaaraha oo ugu Baaqay Dowladda Puntland Inay Kaalin Muuqata ka Qaadato Gurmadka Abaaraha. appeared first on Puntland Post.