Bosaso: (pp) - Dowlada Puntland ayaa go,aamisey in dib wadankooda loogu celiyo 6 qof oo badmaaxiin ah oo u dhashey dalka Kenya,ka dib markii uu dekeda Bosaso kula xumaadey Markab ay ka shaqaynayeen.
Lixda qof ee la celinayo ayaa bosaso ku sugnaa muddo gaareysa lix bilood, kuwaas oo ay gacanta ku haysay mudadaasi Wasaarada Dekedaha Puntland, Hay,adda IOM iyo Maamulka Markabka ay ka shaqeynayeen.
Kulan lagu sagootinayay ayaa Dekeda loogu qabtey badmaaxiinta, Waxaana goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’áda Qaramada midoobay u qaabilsan socdaalka adduunka IOM,masuuliyiin ka tirsan wasaarada Dekedaha Puntland ,saraakiisha amaanka iyo Badmaaxiinta la celinayey.
Wajiyada Badmaaxiinta ayaa laga dheehan karay dareen farxadeed,waxaana la filayaa in Badmaaxiintaasi ay ka safraan Bossaso iyagoo ku sii jeeda wadankooda.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Boosaaso.