Garoowe: (pp)- Kulan maanta ay yeesheen Golaha Xukuumada Puntland ayaa lagu ansaxiyey xeerka Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland , iyadoona uu shir gudoominayey kulanka wasiirada Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed.
Nuqul ka mid ah xeerkaan oo saxaafadu heshay ayaa waxaa ku qornaa in Maxkamada Dastuurku yeelan doonto afar Garsoore kuwaas oo ku biiri doona 5ta Garsoore ee Maxkamada sarre ee Puntland.
Garsoorayaashan ayaa la sheegey inay ka imaan doonaan Bulshada rayidka ah , waxaana ka mid ah shuruudaha laga doonayo inay wataan shahaado sharci oo heer jaamacadeed ama shahaado u dhiganta xaga aqoonta iyo qawaaniinta shareecadda ah.
Shuruucda ayaa sidoo kale dhigaya in Garsooraha uusan isku qaban karin xilka Maxkamada Dastuuriga ah,shaqo xeer dejin,maamul dowladeed iyo mihnad qareenimo.
Afarta xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa labo kamid dooranaya Golaha Wakiilada, labada kalana waxaa soo xulaya Golaha xukuumadda, waxaana ansixinaya Golaha wakiilada ayaa lagu yiri nuqulka warbaahinta soo gaarey.
Nuqulku waxa uu tilmaam ka bixinayaa mudada lagu soo xulaya xubnaha afartaa, iyadoona lagu sheegey in Muddo 30 maalmood gudahood lagu soo magacaabi doono afarta xubnood ka dib marka ay ansixiyaan golaha wakiiladu xeerka la xiriira dhismaha Maxkamada Dastuuriga.
Waa midii ugu horeysay Maxkamada Dastuuriga oo laga dhiso Puntland iyo Somalia sida la filayana waxay u howl gali doontaa inta ka horeysa doorashada goloyaasha deegaanka oo loo qorsheyey inay dhacaan horaanta bisha July 2013.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.