Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Marwada Madaxweynaha oo Garoowe kaga qayb gashay shir looga hadlayey joojinta gudniinka gabdhaha

$
0
0

Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise ayaa maanta 23-April-2016 ka qayb gashay shirweyne looga hadlayey dabar goynta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University ee magaalada Garoowe.

Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska waxaana sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirro, hay’ado Caalamiha, hay’ado maxalli ah, xubno kamid ah haweenka u ololeeya joojinta gudniinka gabdhaha iyo ururada kala duwan ee Haweenka Puntland.

Shirka ayaa sidoo kale waxa lagu daah furayey Danjiraha Cusub ee joojinta gudniinka gabdhaha oo loo magcaabay Dr’s Hodon Siciid Ciise Marwada Madaxweynaha si loo joojiyo guud ahaanba gudniinka gabdhaha oo muddo badan ay socotey ololaha wacyigelinta ku aaddan joojinta gudniinkaasi.

Sidoo kale ujeedooyinka loo magcaabay Danjiraha joojinta gudniinka gabdhaha ayaa ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dadka ku hawlan xirfadda gudniinka isla markaana dhaqaale loogu heli lahaa  si barnaamijyada wacyigelinta ah loo gaadhsiiyo tuulooyinka iyo dhulalka miyiga ah oo weli ay ka jirto gudniinka gabdhuhu.

Dr’s Hodan Siciid Ciise Marwada Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in ay ka shaqaynayso sidii loo dabar goyn lahaa fikraddaasi qallafsan ee ku baahdey guud ahaan geyiga Soomaaliyeed iyadoo kaashanaynaysa haweenka Puntland oo meel uga soo wada jeeda sidii loo joojin laha gudniinka Gabdhaha.

Sidoo kale Dr’s Hodon waxay kula dar-daarantay haweenka Puntland meelkasta oo ay joogaan in ay u midoobaan joojinta gudniinka gabdhaha maadaama aanu diinta Islaamka meelna kaga soo aroorin isla markaaana uu halis caafimaad ku hayo haweenka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.
IMG_6457 IMG_6463 IMG_6470 IMG_6471 IMG_6473 IMG_6474 IMG_6482 IMG_6483 IMG_6485 IMG_6489 IMG_6491 IMG_6493 IMG_6494 IMG_6495 IMG_6498 IMG_6499 IMG_6501 IMG_6503 IMG_6504 IMG_6505 IMG_6508 IMG_6512 IMG_6515 IMG_6516 IMG_6517 IMG_6521 IMG_6522 IMG_6525 IMG_6526 IMG_6527 IMG_6531 IMG_6543 IMG_6545 IMG_6551 IMG_6552 IMG_6554 IMG_6555 IMG_6560 IMG_6564

The post Marwada Madaxweynaha oo Garoowe kaga qayb gashay shir looga hadlayey joojinta gudniinka gabdhaha appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>