Puntland Post-(muqdisho) Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaal Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay ka sugayaan Ra’iisul Wasaaraha Somaliya maalmaha soo socda inuu baarlamaanka horkeeno sidii ay ku qabsoomi laheyd Doorashada 2016.
Waxa uu tilmaamay Guddoomiye Jawaari maadaama aysan aheyn Doorashada sanadkan dhaceysa mid qof iyo cod ah, laakiin ay tahay Wakiilo Shacabka matalaya inay wax doortan taasi macnaheeda inay tahay Doorasho Dadban.
Xukuumadda Somaliya ayuu sheegay inay ka sugayaan Sharciga la xiriira Sidii dalka ay uga dhici laheyd Doorasho dadban iyo qaabka Xukuumadda ay u wajahayso arintaasi.
“Warmurtiyeedka la gaaray waa go’aan siyaasadeed, laakiin u baahan Tafaasiil Sharciyeed inuu yeesho, waa arinta aan ka sugeyno Ra’iisul Wasaaraha inuu Bisha 26-keeda keeno sida uu isaga balan qaaday.” Ayuu yiri Jawaari.
“Waxaa loo baahan yahay in Ra’iisul Wasaaraha sida Xukuumadiisa ay ku fulin karto Doorashada dadban inuu noo keeno, kabacdi aan eegno oo la sharciyeeyo Doorasho dad badan oo la sameynaayo kaliya 2016.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Jawaari.
PUNTLANDPOST
The post Jawaari: R/W waxaan ka sugeynaa inuu noo keeno sida Xukuumadiisa ay ku fulin karto Doorashada 2016 appeared first on Puntland Post.