Kismaayo: (pp)- Maamulka KMG ee Kismaayo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegey in doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ay qaban doonaan labada maalin ee soo socota.
Afhayeenka maamulka KMG Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey in la qaban doono labada maalin ee soo socota , isagoona sheegey in maamulka KMG ee Kismaayo uu diyaariyey goobtii doorashada lagu qaban lahaa iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyey.
‘’ Waa Alle mahadiis waxaa iminka gabagabo noo ah hawlihii Doorashooyinka,Waxaan maanta sameyn doonaa ID-Card ergada oo aan horey u haysan’’ ayuu yiri afhayeenku oo intaa ku daray in Doorashooyinka ay u dhici doonaan sidii loogu tala galay.
Dhanka kale, Wuxuu sheegay in lagu guuleystey xalinta beelaha qeybtood ee wax tabanayey,islamarkaana kismaayo shacabkeeda iyo reer jubaland si weyn isugu diyaarinayaan sugitaanka maamulkooda cusub ee maalmaha soo socda u dhalan doona.
Kala soco wararka kismaayo Puntlandpost.com
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Kismaayo.