Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hooyo uur leh iyo cunug ay dhashay oo ku dhintey baraag ku taala Tuulo-Jalam

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Hooyo Uur leh iyo Wiil yar oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal, kadib markii Daad soo rogmaday maalinkii shalay uu qariyay Baraag Biyo Buux dhaafiyeen oo Xilligaasi ay u qaateen meel bannaan oo Biyo marayaan. iyagoona markii danbe halkaasi ku naf waayay.

Xoghayihii hore ee Degmada Burtinle Xaafid Cabdirisaq ayaa xaqiijiyay geeridan naxdinta leh ee ka dhacday Tuula Jalam, waxayna hooyadan uurka leh u socotay sida la sheegay xoolo ay banaanka magalada u waday si ay usoo daaqaan.

Dhinca kale Roobab mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanada Puntland ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Xoolo badan ay ku le’deen, Xoolahaasi oo markii hore abaartu ay saameysey.

Meelaha xoolaha uu roobku ku laayay ayaa ka mid ah deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST

The post Hooyo uur leh iyo cunug ay dhashay oo ku dhintey baraag ku taala Tuulo-Jalam appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>