Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyey safarradiisii.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa waddamada  Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta 30-April-2016 dalka dib ugu soo laabtay waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb-qayb guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso waxa uu ka warbixiyey safarkiisii uu ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Safarka Madaxweynaha oo ka bilawday dalka Ethiopia ayuu sheegey Madaxweynuhu in uu kula kulmay Magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi oo muddo ay socotey arrinta la xiriirta furitaanka kastamkaasi.

Sidoo kale safarkii uu Madaxweynuhu ku tegey dalka Sucuudiga ayuu xusay in uu daarranaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah oo dalka maal-gashada,  isla markaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiis taariikhi ah ku qotoma dhismaha deked laga dhisi doono Garacad, waddo laami ah oo  isku xidhi doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono dhammaan gobollada Puntland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay in dawladdiisu ay xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maal-gashiyo caalami ah oo dalka lagu samaysto, waxaana ku tilmaamay safarkaasi guul usoo hoyatey dadka reer Puntand.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha


IMG_6695 IMG_6700 IMG_6704 IMG_6706 IMG_6709 IMG_6712 IMG_6713 IMG_6715 IMG_6718 IMG_6721 IMG_6727 IMG_6729 IMG_6732 IMG_6741 IMG_6746 IMG_6749 IMG_6751 IMG_6756 IMG_6758 IMG_6759 IMG_6761 IMG_6762 IMG_6767 IMG_6770 IMG_6771 IMG_6773 IMG_6779 IMG_6781 IMG_6786 IMG_6806

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyey safarradiisii. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>