Guddiga gurmadka abaaraha ayaa soo gabagabeeyay wajigii kowaad ee gurmadkii biyo dhaaminta ahaa ee ka wadeen qaar ka mid aha goboladda dalka
Guddoomiyaha Guddiga Culumadda Abaaraha Sheekh Fu’aad Maxamuud X. Nuur iyo sheikh Daahir Aw-cabdi oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso ayay ku sheegeen in roobabkii ay bilowdeen qaar ka mid ah degaamada puntland, walina ay da`ayaan islamarkaana guddigu ay hakad geliyeen howlihii Gurmadka inta roobabku da’ayaan.
“ insha allaah waxaan dib u bilaabi doonaa waji labaad oo loo gurmanayo dadkii xoolo dhaqatada ah marka ay roobabku istaagaan, oo la ogaado sida xaalku noqdo” ayuu yiri Sheekh Fu’aad
Sheekh Fu’aad waxaa kaloo uu sheegay in sida ugu haboon iyo meesha ugu haboon lagu wajihi doono gurmadka wajigiisa labaad, kaasi oo lagu caawin doono dadkii dhibaatadu ka soo gaartay abaarihii oo xoolahadoodii ay dhaafeen, una baahan in la gargaaro
Gees kale, Sheekh Fu’aad Waxaa uu u mahaceliyay, una duceeyay Jaaliyado dibada ah iyo dad muxsiniin ah oo lacago u soo diray guddiga, lacagtaas oo loogu talagalay in lagu gargaaro dadka soomaaliyeed.
Jaaliyadaha iyo Dadka kale lacagaha soo diray ayaa kala ah.
- Jaaliyadda Belgium oo soo dirtay $3,675 kuna soo diray Sh.Maxamuud X.Yuusuf
- Jaaliyadda Vasteras ee Sweden $1,320 Waxaa soo diray Sh.C/casiis
- Jaaliyadda galbeedka Norway $500 Waxaa soo diray Bashiir Nuur
- Hilaal Yuusuf Cawke $300 Seattle Washington
- Hooyo joogta Garoowe $200
- Shirwac Axmed Maxamed $159 Sweden
- Haashim Maxamed Indhoyare $100 London Uk
- Xamdi Maxamed Cali $100 Gothenburg Sweden
Gabagabadii, Sheekh Daahi Aw-cabdi oo ka mid ah guddiga Gurmadka Abaaraha puntland oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa u duceeyey guud ahaan dadkii ka qaybqaatay gurmadka dibad iyo gudaba isla markaasna sheegay in hadda hawshii gurmadka hakad la galiyey laakiin dib loo bilaabi doono markii raabku dhammaado oo xaaladda si fiican loo ogaado, wuxuuna ugu baaqay ummadda soomaaliyeed in ay is caawiyaan gurmadkana aysan ka caajisin.
PUNTLAND POST
The post Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo Hakiyay Howlihii Gurmadka appeared first on Puntland Post.