Nairobi-(Puntland Post) Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu dab qabad siiyay 105 tan oo faan maroodi ah iyo 1.5 tan oo gees wiyil isugu jira, waa bandhig qayb ka ah dagaalka lagula jiro ugaarsatada faanta maroofoolasha xayawaannada, waxaana munaasabadda gubista kala qayb galay madaxweynayaal Afrikan ah, safiirro ka socda Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah.
Suuqyada faanta maroodiga qaarada Asia gaar ahaan suuqyada Shiinaha ayaa si adag sare ugu kacay taasoo sii xoojisay ugaarsiga faanta maroodiga dalalka Saxaraha ka hooseeya.
Bandhigan lagu gubayo foolasha xaddigoodu intaas la egyahay ayaa looga gol leeyahay in lagu wiiqiyo awooda Suuqyadaas iyadoo sidoo lagu cambaareynayo ka ganacsiga xubnaha duurjoogta ee Africa.
Fool-maroodiga la gubay oo ah kii ugu badnaa ee la gubo ayaa u dhigma 65,000 oo maroodi, waxaana lagu qiimeeyay lacag dhan 15 Bilyan oo ah lacagta dalka Kenya.
Tallaabadan, ayaa Uhuru ku sheegay in lagu yaraynayo ugaarsiga xawayaanka iyo iibka sharci darrada ah, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu il gooni ah ku eegi doonto arrintan.
Xukuumaddaha gobolka iyo dhammaan beesha caalamka ayuu ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa masiibadan uu tilmaamay inay ku habsatay duur joogta, wuxuuna intaasi raaciyay in saddonkii sano ee u dambeysay hoos u dhacay tirada Maroodigii waddanka.
Foolasha Maroodiga iyo Wiyilsha ayaa kamid ah meelaha lacagta ka sameeyaan dadka ugaarsada, halka dowladda Kenya dhaqaalo badan kasoo galo xayawaanka loo dalxiis tago.
PUNTLAND POST
The post Uhuru Kenyatta oo gubay Foolal Maroodi iyo Wiyil appeared first on Puntland Post.