Garowe-(Puntland Post)-Waxaa Khamiistii 28kii Abril lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug shir ballaaran oo lagu taageeryey mashruuca dhismaha Maktabadda Bulshada oo dhismaheedu ka socdo magaalada Gaalkacyo.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay madaxda Gobolka Mudug, madaxda Degmada Gaalkacyo, kuwa waxbarashada gobolka iyo madaxda goobaha waxbarashada sida jaaamacadaha iyo dugsiyada Gaalkacyo. Waxaa kale oo ka soo qaygalay ganacsatada ugu caansan gobolka, dhakhaatiirta iyo madaxda xarumaha caafimaadka, ururka haween Gobolka Mudug iyo culimada gobolka.
Hoteelka ee Al-Jazeera ayuuna shirku ka dhacay, waxayna iska kaashadeen qabanqaabadiisa Guddiga Maktabadda iyo Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug, waxaa warbixin ku saabsan Mashruuca Maktabadda Bulshada ee Gaalkacyo ka soo jeediyey Warsame Sh. Maxamuud Kaytoon oo ka hadlay inta uu soo maray abaabulka mashruuca, halka dhismuhu marayo iyo baahida mashruuca.
Warbixinta ka dib waxaa halkaa khudbado isugu jira wacyigalin, guubaabo iyo taageero ka soo jeediyey madaxdii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay shirka. Waxaa aad loogu dheeraad taageerada iyo baahida weyn ee magaalada iyo gobolkuba u qabaana adeegga maktabad (library) noocaan ah, waxaana halkaa dhaqaale ururin loogu sameeyey mashruuca maktabadda.
Hadaladii laga soo jeediyey goobta waxaa ka mid ahaa in maktabaddaan baahiweyn loo qabo ayna kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta aqoonta, isku xirka iyo sare u qaadidda wacyiga bulshada, keydinta hiddaha iyo taariikhda ummadda iyo bilidda bilicda magaalada. Waxaa ka faa,iidaysan doona dhammaan qaybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada oo maktabadda loogu diyaarin doono goobo ay u yimaadaan wax akhris, aqoon kororsi, cilmibaaris iyo guud ahaan ka faa,iidaysiga agabka iyo ilaha aqoonta kala duwan.
Bishii November 2016 ayey ahayd markii Dawladda Puntland ay siisay dhul laga dhiso maktabadda oo uu Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas qaraar ku soo saaray arrintaas. Dhulkaan ayaa ah mid baaxad weyn oo ku yaal bartamaha magaalada. Dhismaha maktabadda ayaa waxaa iska kaashanaya Dawladda Puntland iyo bulshada joogta dalka gudihiisa iyo bibaddiisaba. Waxaana meelo kala duwan ka socda dadaalo lagu taageerayo dhaqaalana loogu ururinayo mashruuca maktabadda. Waxaa dhawaan dhamaaday dhismaha darbi weyn lagu wareejiyey goobta dhismaha maktabadda, waxaana dhawaan bilaaban doona dhismaha qaybaha kale ee maktabadda.
Guddoomiyaha Degmada, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka, Guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta ayaa ka soo qaybgalayaasha iyo guud ahaan bulshada Gaalkacyo dhiirrigeliyey in ay lacag u huraan mashruuca Maktabadda, waxaana lagu ballamay in la qabto kulamo kale oo noocaan ah.
Sawirro.
PUNTLAND POST
The post Mashruuca maktabada bulshada oo Gaalkacyo looga shiray (Sawirro) appeared first on Puntland Post.