Wasiirka amniga puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray is rasaasayn dhexmartay ilaalada Taliyaha ciidanka booliska Puntland Cabdirisaaq Afguduud iyo Ciidamadda Birmadka oo ku sugnaa duleedka magaalada Bosaso
Israsaayntan oo ka dhacday Xarunta ciiidamada Birmadka ee duleedka Bosaso, waxaa kaloo ku dhaawacmay 5 Askari oo uu ku jiro Taliye K/xigeenkii Ciidamadda Birmadka puntland Cali Axmed oo loo yaqaano Cali iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Siciid Cadde
Taliyaha Booliska Gobolka bari G/S C/Xakiim Yuusuf oo ka mid ahaa waftigii wasiirka amniga ee booqday xeradda ciidamadda Birmadka ayaa waraysi uu siiyay idaacadda Daljir waxaa uu sheegay in israasasayntu ay ka dhalatay ka dib markii ay is-afdhaafeen taliyaha ciidamadda booliska Puntland C/risaaq Afguduud iyo taliyaha ciidamada birmadka Col Cismaan Xasan Cawke(Afdalow)
“ Shaqaaqadan waxay ka dhalatay iska horimaad dhexmaray Ilaaladda taliyaha booliska iyo ciidanka Birmadka, ka bacdina waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo uu ku jiro wasiirkii amniga Puntland Cabdi Xirsi, saraakiil iyo askar, howshaasna hadda gacantaa lagu hayaa waana la xalinayaa” ayuu yiri taliye Cabdixakiim
Taliyaha Qaybta booliska gobolka waxaa kaloo uu ka hadlay sida ay wax u gaareen wasiirka amniga iyo saraakiisha kale, waxaana uu sheegay in wasiir Qarjab ay xabadi kaga dhacday bowdada, xaaladiisa caafimadna ay fiican tahay
“ Wasiirka amniga alle ha u fududeeye Xabad ay bawdada ka dustay, xaaladiisa caafimaadna waa fiicantahay waxaana lagu daaweynayaa Cusbitaalka Daryeel.Hadda waxaa ugu culus nin sarkaal oo kalyaha ay xabadi kaga dhacday oo xaaladiisa culustahay, waxaa kaloo jira saraakiil kale oo ku dhaawacantay shaqaqadaas oo qaliimo lagu sameeyay oo xaaladooduna fiicantahay hadda ” ayuu sii raaciyay Taliye Cabdixakiim.
Hoos ka Dhagayso Codka Taliyaha
Inkastoo taliyuhu uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta dhalisay israsaasayntan ayaa haddana wararka soo gaaraya Puntlandpost waxay sheegayaan in Kullan lagaga arrisanayay xaaladda ciidamadda Birmadka uu Saaka ka dhacay xerada ciidamaddaas, kadibna uu muran xoog leh uu dhexmaray Taliyaha Booliska Puntland C/risaaq Afguduud iyo Taliyaha ciidamadda Birmadka Cismaan afdalow, Murankaas ayaa markii dambe isku bedelay gacan ka hadal dhexmaray labada taliye.
Wararku waxay intaas ku darayaaan in Ilaaladda Ciidanka Taliyaha booliska puntland Afguduud ay bilaabeen rasaasta , ka dibna ay ka jawaabeen ciidamadda Birmadka oo shirku ka dhacay xeradooda, israsaasayntaas ayaa sababatay dhaawaca soo gaaray Wasiirka amniga iyo Saraakiisha kale.
Gees kale, Saraakiil xog ogaal ah oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda puntland uu u diray Wasiirka Amniga , Taliyaha booliska iyo saraakiil kale inay soo qiimeeyaan Xaaladda ciidamadda Birmadka, tiradda ay yihiin , tayada iyo Tiradda hubka ay haystaan.Arrintaas ayaana ka caraysiisay Taliyaha Ciidamadda Birmadka Cismaan Afdalow.
Ciidamadda Birmadka oo dib loo yagleelay dhamaadkii Sanadkii 2014-ka ayaa ah ciidamo sida milateriga loo tababaray, waxaana loogu talagalay inay caawiyaan ciidamadda booliska, iyadoo sanadkii hore bilowgiisii lagu soo daadgureeyay magaaladda bosaso ciidamo 300 boqol kor u dhaafayay oo uu hoggaminayay G/S Cismaan Afdalow si ay u sugaan ammaanka puntland, waxaa kaloo la geeyay qaar ka mid ah goboladda Puntland.
The post Wasiirka Amniga Puntland iyo 5 askari oo ku Dhaawacmay israsaasayn ka Dhacday Bosaso appeared first on Puntland Post.