Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faah-faahin: Booqashada Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Dalka Jabuuti

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa maanta 07-May-2016  ka amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland isagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, halkaas oo uu Madaxweynuhu  kaga qayb geli doono caleemo saarka Madaxweynaha dalkaasi ee Ismaaciil Cumar Geelle.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiiro iyo Xildhibaano iyo Marwada Madaxweynaha Dr’s.  Hodan Siciid Ciise.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qolka nasashada ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso warfidiyeenada kula hadlay ayaa sheegay in uu Jabuuti uu aadayo ka qayb galka munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Puntland iyo dawladda Jabuuti uu  ka dhexeeyo xiriir walaalnimo,mid saaxiibtinimo, mid Soomaalinimo iyo mid islaannimoba isla markaana Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay ka qayb galkiisa caleemo saarkaasi in uu sii xoojin doono dhammaan xiriiradaasi.

Ugu dambayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan nabad gelyadooda isla markaana ay iska qabtaan cid  walba oo ku hawlan falal wax u dhimaya nabad-gelyada iyo horumarka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_7997 IMG_8007 IMG_8009 IMG_8015 IMG_8020 IMG_8027 IMG_8039 IMG_8045 IMG_8048 IMG_8049 IMG_8050 IMG_8060 IMG_8072 IMG_8084

The post Faah-faahin: Booqashada Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>