Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynihii hore Puntland oo lagu marti qaaday caleemo saarka Ismaaciil C.Geelle

$
0
0

Bosaso(Puntland POST) Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo haddana ah murashax u taagan xilka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay waddanka Jabuuti, ka dib markii uu marti qaaday ka helay madaxwaynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Farole oo kasoo kictimay magalada Garowe ayay isku arkeen magalada Bosaso madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, waxyna ugu danbeyntii wada raaceen hal diyaarad.

Cabdiraxman Farole oo aad loogu yaqaano hadalada adag ayaa sanadkan sheegay inuu u tartamayo xilka madaxwaynaha Soomaaliya si uu meesha uga saaro nidaamka la xalaashaday ee 4.5, kaasoo uu ka mid ahaa masuuliyiintii 2012 saxiixay inaan dib loogu laaban.

Waxaa laga yaabaa Farole inuu Jabuuti kula kulmo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud.

PUNTLAND POST

The post Madaxwaynihii hore Puntland oo lagu marti qaaday caleemo saarka Ismaaciil C.Geelle appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>