Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dalwadda Puntland oo ka qayb galay Manusaabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha Jabuuti

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka 08-May-2016 ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ka socota xarunta  guriga ummadda ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaah dawladda Puntland ayaa intii uusan ka qayb gelin munaasabadda caleemo saarka ka hor waxaa uu kulamo kala duwan oo isugu jira salaan iyo is waraysi guud  kula qaatay Hotel Kempinski Ugaas Mustafe Rooble oo ah ugaaska guud ee Beesha Ciise iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Jabuuti.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa ayaa si aad u meeqaam sarraysa loogu soo dhoweeyey xarunta guriga ummadda oo ay ka socoto munasaabadda caleema saarka Madaxweynaha dalkaasi Jabuuti.

Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa sidoo kale ka qayb geleya Madax badan oo ka kala timi waddada adduunka oo ay ku jiraan madaxda kala duwan dalka Soomaaliya iyo qaaradda Afrikaba.

Waa markii Afraad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle loo doorto  xilkaasi, goordhow ayaanu idiin soo gudbin doonaa sawirro iyo warbixino dheeraad ah oo ku saabsan caleemo saarka iyo khudabadda Madaxweynaha dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
3d87b575-0589-4bba-9685-8c9cd466fbbe 4d6aa34b-8481-4c9d-9c4f-e017257acab8 4f4d3a20-20b1-4f2d-944a-c3c30da15a5a 6c64d071-f52e-4f17-b949-c6ee6bc8a5a1 9ab1eb6b-b2af-4e52-b3ef-e8a977f00094 29ae9bb5-319b-49f1-b072-5af0fbe31f1a 75b701f9-82bb-4553-97ae-24364e086ebb 92ea703f-c6e0-4b7e-a85a-47b82ac2dea3 97a73ecf-7e08-4bd5-b433-8409be6f5b89 110bb8d9-ea96-48aa-b620-12e9298a8a1b 701b368c-713e-4312-bf1e-bf31a4dd1c4b 7364ee0e-0aed-4239-884b-6f7469d39dda 0501492f-0abd-4cfc-8472-fe437f8ce452 570931a4-8b0f-4739-97be-07a315b02783 ab51b4f6-7dbe-4459-a740-c7a96df0207b b8e3cb3c-e718-4a73-adda-1edae63a249a baa7d406-0457-4458-ba87-eb51c42161dd c8711f55-cbc6-45c9-9565-993b0eff155e daf143fd-7a71-47e7-ba68-922082893ed4 f2825be7-b0da-45ec-a951-e76d78b1be6b

The post Madaxweynaha Dalwadda Puntland oo ka qayb galay Manusaabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha Jabuuti appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>