Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Somaliya oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Geed Timir oo qiyaastii 15 km ka xiga deegaanka Galcad ee hoostaga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud ayna ku dileen tiro ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Deegaanka Galcad Qadar Maxamed Cali oo la hadlaayay warbaahinta qaranka soomaaliya yaa sheegay in ciidamada ay xalay howlgallo ka fuliyeen deegaanka Geed Timir, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan toban ka tirsan maleeshiyaad Al-Shabaab, ayna ku soo furteen hub iyo gaadiid dagaal.
Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in hubka iyo gaadiidka dagaal ee laga soo furtay argagixisada Al-Shabaab iminka la soo gaarsiiyay deegaanka Galcad, isagoo intaa ku daray inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidamada soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgallada.
PUNTLAND POST
The post Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal Shabaab lagu dilay ka fuliyay G/galgaduud appeared first on Puntland Post.