Maxkamad ku taal Magaalada Qudus ee dhulka reer Falastiin, ee ay xooga ku haysato Isra’il ayaa la soo taagay Wiil 14-sano jir ah oo u dhashay Falastiin, kaasi oo lagu eedeeyay isku day dil inuu geysan rabay.
Wiilkan lagu magacaabo Axmed Manasra iyo wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Xasan Manasra ayaa bishii Oktoober ee sanadkii tagay lagu eedeeyey inay doonayeen inay mindi ku dilaan dad Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa deegaanka Yuhuuda qabsatay ee bariga magaalada Qudus.
Xasan Mansara oo 15 jir ahaa ayeey ciidamada Yuhuuda dileen, halka ay qabteen Axmed Manasara oo 14 jir ah, kaasi oo jirkiisa dhaawacyo kala duwan u geysteen.
Maxkamada ku taal Magaalada Jerusalem ayaa la soo taagay Wiilkaan yar oo ku riday xukun aanan weli lagu dhaawaqin waxa uu yahay, iyadoo suuragal ay tahay inuu muteysto xabsi dhan 10 sano.
Qareenka u doodaya wiilkaan yar ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu rido, maadaama uu yahay wiil aanan qaan gaarin.
Qoyska wiilkan ayaa cambaareeyey xukunka maxkamada Isra’iil oo ay ku tilmaameen maxkamad cunsuri ah, iyagoo sheegay in lasoo dhoob dhoobay dacwada wiilkooda lagu soo oogay.
PUNTLAND POST
The post Israa’iil oo xukun ku riday Wiil 14 sano jir ah oo u dhashay Falastiin appeared first on Puntland Post.