Maanta waxay Ummadda Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida, isla markaasna kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii.
Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club}ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah, kuwaas oo kala ahaa.
1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi wuuxu jiray 24-sano.
2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.
3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee obolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.
9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.
10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.
12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.
Waxaa ururkii SYL sanadkaasi Xoghaye guud looga dhigay C/laahi Ciise Max’uud oo isugu ahaa Ra’isul wasaarihii Xukuumaddii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xilligii gobanimada la qaatay.
Haddaba dhalinyarada wadaniyiinta ah ee aas’aastay ururka SYL waxey nooga tageen dhaxal aan duugoobin iyo taariikh aan marnaba ka tirmeyn quluubta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ku qoranyihiin diiwaanka lagu keydiyo taariikhda Soomaaliyeed baalashiisa dahabiga ah.
Hadaba Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa iney ku daydaan dhalinyaradii aas’aastay ururka SYL kana soo horjestaan afkaaraha wax duminaysa sida qabyaalada iyo xagjirnimada, islamarkaana ay ku dadaalaan sidii dalkeena looga saari lahaa dhibaatada si ay taariiqda uga galaan baal dahab ah.
Sidoo kale waxaa habboon in dhalinyaradu aysan ku dhiirran tahriibta iyo ka qeyb qaadashada fal kasta oo liddi ku ah horumarka ummadda Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
The post 15-ka May waa maalin ku weyn xusuusta Umadda Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.