Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 20 May ,2013 xariga ka jaray 600 oo guri kuwaasi oo hayada World Vision u dhistay barakacayaasha Garowe ku dhaqan.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano ,madaxda hayada World Vision ,maamulka gobolka Nugaal ,masuuliyiinta degmada Garowe ,gudoomiyaasha barakacayaasha iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay xaflad loo qabtay wareejinta guryahan.
Xaafada Jilab oo duleedka Garowe ku taal ayaa duqa degmadu Cabdicasiis Cilmi Koor uu sheegay inay noqoneyso xaafada 8-aad ee magaalada Garowe ,waxana ay soo bandhigeen qaar ka mida cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee gobollada Konfureed.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa ka warbixiyey guryahan oo uu sheegay in 1200 ay ahaayeen lagana kala dhisay mid 600 oo guri degmooyinka Garowe iyo Buurtinle islamarkaasina ay ku dhanyihiin adeegyadii kala duwanaa sida Ceel biyoodka ,Saldhig Boolis ,Xarunta caafimaad iyo mid waxbarasho.
Puntland ayaa waxa ku sugan in ka badan 300,000 oo kun oo barakacayaasha Koonfurta Somalia ka yimid ka dib colaado iyo abaaro ka dhacay goboladaasi.waxana guryahan loo dhisay yihiin kuwo deegaan ay iska leeyihiin ayadoona qoysasku u heleen qori tuur ama nasiibka.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen.Ilkajiir ayaa maalin qiimo wayn ku tilmaamay maanta ka dib 600 oo qoys oo lagu wareejinayo guryo ay leeyihiin ,isagoona xusay in Puntland ay soo dhoweyneyso walaalahooda Soomaliyeed ee colaadaha Koonfurta ka jira ka soo barakacay.
”Hadii ay horey barakacayaal u ahaayeen maanta waa deegaan ,Somalia dadkoo dhan ayaa wadaag,waxaan ognahay kuwa Muqdisho jooga inaan loo ogolayn deegaan balse anagu waan u ogolaanay ,way shaqeystaan .ilmahooda bay waxbartaan waxana ay nagu leeyihiin xuquuqdooda inay helaan” ayuu yiri Ilkojiir.
Wasiirka ayaa ku booriyey dadka degaya xaafada Jilab inay adkaystaan nabadgelyada ay haystaan islamarkaasina iska ilaaliyaan in lagu soo dhex dhuunto.
Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray xafladan waxana uu u mahadceshay hayadii dhistay guryahan iyo dowladda Canada oo ku deeqday dhaqaalaha ku baxay dhismaha guryahan.
”Waxaa waxtar ka ah wixii muuqda oo dadka wax u noqonaya sida guryahan ,biyaha ,waxbarashada ,cafimaadka ,wadooyinka iyo baahiyaha kale ee jira” ayuu yiri madaxweynuhu oo ka hadlay deeqaha caalamku ku bixiyo taageerida Somalia oo badidood ku baxaan safaro iyo siminaaro.
Dadka reer Puntland ayaa Dr.Farole ku amaanay sida ay u soo dhoweeyeen walaalahooda dalka qaybihiisa kale ka soo barakacay ,isagoona ku baaqay isdhexgal bulsho iyo in la kala faa’ideysto hidaha iyo dhaqanka.
”Waxa Muqdisho laga soo sheegayo inaysan halkan ka dhicin idinkaa marqaati ka ah,taasina waxaan ku amaanaya dadweynaha reer Puntland oo soo dhoweyey walaalahooda colaadaha iyo abaaraha ka soo cararay” ayuu yiri Farole.
Xeryaha barakacayaasha Muqdisho ayaa HRW shaaciyey bishii March in tacadiyo iyo kufsi ciidamada dowladdu iyo kooxo hubaysani u gaystaan haweenka,waxana la raaciyey in cagojuqlayn iyo hayb sooc u dheertahay halka qaarkood loo diiday inay ku noqdaan goboladii ay ka yimaadeen sida Bay iyo Bakool.
Daawo Sawiro Kale.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.