Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

In ka badan 11 kun oo arday ayaa maanta u fariisanaaya imtixaanka shahaadiga ee Puntland

$
0
0

Garowe(Puntland Post)-Guud ahaan Gobalada Puntland ayaa saakay isku wakhti laga qaybinayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasaladda Afraad ee Dugsiga sare iyo Sideedaad ee Dugsiga Dhexe, waxaana Imtixaanka si rasmi ah Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland uga furaaya Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey iyo Wasiirka Waxbarashada Dr Abshir Aw Yuusuf.

Sidoo kale Gobalada kale ee Puntland waxaa imtixaanka ka furi doona Gudoomiyaasha Gobalada iyo Isu duwayaasha Wasaarada waxbarashada Dawlada Puntland.

Wasaarada Waxbarashada ayaa Gobalada kala duwan ee Dalka u kala dirtay kormeerayaal iyo ilaaliyaashii Imtixaankan.

In ka badan 11 kun oo arday ayaa Guud ahaan Gobalada Puntland u fariisan doona Imtixaanka Shahaadiga.

Puntland ayaa lagu tilmaama meesha ugu nidmaamsan dhanka Waxbarashada iyo Imtixaanada Guud ahaan Soomaaliya.

Filo Sawirada iyo Warbixin faah-faahsan.

 

The post In ka badan 11 kun oo arday ayaa maanta u fariisanaaya imtixaanka shahaadiga ee Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>